
Khadiijo Ciise waa xubin ka tirsan kooxdan, waana madaxa naadiga fanka iyo wacyi gelinta bulshada ee Hadaf, waxayna raadiyo Ergo uga warrantay waxay tahay ujeeddada iyo hawlaha ay qabtaan dhallinyaradan. Wareysigeenniina wuxuu u dhacay sidan:
J: Waxaa jiray kulan maalin walboo khamiis ah uu maamulka gobolka Banaadir u qaban jiray dhalinyaro ka kala socota degmooyinka gobolka Banaadir si la isaga kaashado ka shaqeynta dhismaha magaalada, kaddib annagoo dhowr dhalinyaro ah ayaan go`aansannay inaan aasaasno Mogadishu city volunteers, ujeeddadeennuna waa in la helo magaalada Muqdisho oo ammaankeedu sugan yahay bilicdeedana ay sarreyso.
S. Dhalinyaradiinna meeqo ayaad ka kooban tihiin?
J:Inkastoo tirada dhalinyaradan ay mar walba sii kororto, haddana waxaan nahay in ka badan 200 oo kala jooga degmo kasta.
S: Howlaha aad qabataan maxaa ka mid ah?
J: Howlahaan qabanno waxaa ka mid ah inaan maamulka gobolka Banaadir ka caawinno nadaafadda magaalada, wacyi gelinta dhalinyarada derbi jiifka ah oo aan xiriir wanaagsna la yeelannay si ay u dareemaan inay yihiin muwaadiniin dalka uu u baahan yahay, waxaan ka qeyb qaadannaa abaabulka xafladaha iyo munaasabadaha ka dhacaya magaalada, waxaan dhanka fanka uga qeyb qadaannaa wacyi gelinta dadka ee dhanka nabadda iyo abuuridda geedaha, waxaan sidoo kale fududeynaa qeybinta gargaarka ee kooxaha samafalka.
S: Marka laga soot ago inaad tihiin dhalinyaro iskaa wax u qabso ah, yaa idinku garab qabta howlahaad qabataan?
J: Qof walboo shaqyenaya wuxuu u baahan yahay meel uu ku tiirsan yahay, waxaan aad ugu mahad celinayaa maamulka gobolka Banaadir oo aad nooga taageera isku xirka iyo niyad dhiska.
S:Maaddaama ammaanka magaalada Muqdisho uu yahay mid aan si buuxda la isugu halleyn Karin, ma jiraan caqabado aad dhanka ammaanka kala kulantaan?
J: Caqabadaha ugu weyn ee aan la kulanno waxaa ka mid ah marka ay ciidamadu fulinyaaan howlgallada ammaanka lagu sugayo, maaddaamada dhalinyaradu tahay kuwa ugu badan ee la tuhmo lagana shakiyo way nagu adkaataa inaan howl galno, sidoo kalana jidadka ayaa markaas lakala xiraa oo isu socodka ayaa nagu adkaada.
S: Sidey dadku idinla qabsadeen oo ay idiin barteen?
J: Dadka Muqdisho weli uma bislaanin iskaa wax u qabsashada, waxay na weydiiyaan maxaad howshan ka faa`iiddaan, markaan niraahno waxba kama faa`iidno waxay nagu yiraahdaan maxaad u qabaneysaa waxaan faa`iido kuugu jirin, mararka qaar dadka aan wacyi gelineyno nama ixtiraamaan, waxaan aragnaa dad caqabad ku ah howlaheenna, laakiin waxaan filayaa in mustaqbalka dhow nala aqoonsan doono.
S: Magaaladoo dhan miyaad ka howlgashaan, mise xaafadaha qara oo aad is leedihiin ammaankoodu wuu wanaagsan yahay?
J: Meel kastoo magaalada ka mid ah waan ka howlgalnaa, si kastoo ammaan darro ay u jirto shaqadeenna waan qabasannaa oo meel gaar ah kama howlgalno.
S: Soo celinta bilicda magaalada ee aad waddaan sideed uga shaqeysaan?
J: Waxaa jira mashruuc uu wado maamulka gobolka Banaadir oo lagu sameynayo goobo dadku ay geeyaan khashinka, markuu mashruucaasi hirgalo annaguna waxaan bilaabeynaa inaan baahinno farriimo dadk aloogu sheegayo inay goobahaas khashinka geeyaan iyo inaan ka qabanno dadka khashinka waddooyinka soo dhiga.
S: Ilaa intaad dhalinyaradiinnaan howlgasheen, maxaa idiin qabsoomay?
J: Ma jiraan wax badan oo aan ku faani karno oo inoo qabsoomay, marka loo eego ujeeddadeenna oo ah in magaalada ay soo noqoto bilicdeeda, balse waxaan ku faraxsannahay in dadku ay nala qabsanayaan oo an ina baranayaan hadda, kadibna waxaan ka fileynaa inay laftigoodu howsha nala qabtaan.
FM/AM











