
Cabdulaahi Salaad oo aan saakay la xiriirnay ayaa isagoo hadalka uu dhibayo baa noo sheegay in nin uusan garaneyn uu saddex jeer madaxa iyo dhabarka uga dhuftay faas, kadibna ay dadka meesha ka dhowaa ka qabteen.
“Ninku wuxuu ku talo galay inuu i dilo, ma jirto ced ay xurguf igala dhaxeyso, mana garan karo sababta uu ninkaas ii dhaawacay” Ayuu yiri Cabdullaahi Salaad.
Ninkan dhaawaca geystay oo dadka deegaanka ay sheegeen inuusan ahayn qof deegaanka deggan ayaa isku dayay inuu baxsado, balse ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada bileyska, wuxuuna haatan ku xiran yahay saldhigga Beletweyne.
Taliyaha Saldhigga booliska degmada Baladweyne Cali Cabdi Mahad Alle (Cali Dhuux) ayaa u sheegay idaacada Ergo in eedeysanaha dhaawaca u geystay weriye Cabdulaahi Salaad uu yahay 50 sano jir ka mid ah dadka deegaanka.
Taliyahu wuxuu intaa ku daray inuu eedeysanuhu qirtay inuu dhaawaca u geystay weriyaha, ciidamada booliskana ay wadaan wareysiyo ay la leeyihiin qaar ka mid ah goob-joogayaashii si falkan eedeysanaha maxkamada loo horgeeyo.
Cabdullaahi Salaad ayaa loo duuliyay magaalada Muqdisho, halkaasoo lagu daweyndoono, kaddib markii xaalkiisa wax looga qaban waayay gudaha Beledweyne sida ay ku taliyeen takhaatiirta gobolka.
FM/MR/AM










