
Gudoomiyaha Ururada Bulshada rayidka Soomaaliyeed Cabdulaahi Maxamed Shirwaac ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in baahi weyn loo qabo dugsiyada lagu barto farsamada gacanta waqtigan oo dib u dhis dalka laga bilaabay. Shirwaac wuxuu sheegay in baahiyahaas dugsiyada waxbarashadab tooska ah iyo jaamacadaha aysan dabooli karin.
Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed wuxuu sheegay in 20-kii sano ee lasoo dhaafay dalka burbur xoogan loo geystay islamarkaasna la joogo waqtigii dib loo dhisi lahaa. Cabdulaahi Maxamed Shirwaac wuxuu u xusay in dib u dhiskaas u baahan yahay dad aqoon u leh cilmiga farsamada gacanta.
Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Cabdulaahi Maxamed Shirwaac wuxuu tilmaamay in baahi weyn loo qabo dugsiyo si gaar ah loogu barto aqoonta korontada, farsameynta alwaaxda iyo dhismaha guryaha.
“Baahidaas waxay la bilaabatay isbadelka cusub ee dalka ka dhacay. Sidaas darted, waa in tacliinta loo jiheeyaa qaab cusub oo ka jawaabaya baahiyaha dalka yaal,” Cabdulaahi Maxamed Shirwaac ayaa sidaas u sheegay raadiyaha Ergo.
Shariif Mukhtaar Ibraahim oo ka mid ah waaya-jooga Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool ayaa isna ku baaqay in dowladdu ay hirgaliso dugsiyo lagu barto cilmiga beeraha iyo kaluumeysiga.
Shariif Mukhtaar Ibraahim wuxuu intaa ku daray in dugsiyada noocaas ah qeyb ka qaadan doonaan sare u qaadista wax-soosaarka dalka islamarkaasna beeraleyda iyo kaluumeystada Soomaaliyeed u sahli doonto ka faa’iideysiga kheyraadka dalka.
Soomaaliya waxey laheyd dugsiyo lagu barto cilmiga farsamada gacanta oo lacag la’aan ahaa laakiin waxay ku xirmeen colaadihii dabo socday burburdkii dowladdii dhexe.










