Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

BAYDHABO: DUGSI XIRFADO SHAQO BARAYA HAWEENKA

Radio Ergo by Radio Ergo
May 20, 2013
in Caafimaadka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDugsiga Gabdhaha ee hoose iyo dhexe ee Cabdalla Deeroow Isaaq ee Magaalada Baydhabo ayaa bilaabay tababaro xirfado abuuris si lacag la’aan ah lagu barayo haweenka barakacayaasha ah, danyarta iyo weliba gabdhaha aan horey helin fursado waxbarasho.

Dugsiga oo shaqeynayay 8dii sano ee lasoo dhaafay ayaa tababarka u bilaabay 80 haween da’doodu u dhaxeyso 25 ilaa 40 sano jir oo la barayo xirfado iyo farsamadagacanta oo ay ku shaqeystaan labo bil kahor.

Maamulaha qeybta barashada xirfadaha ee dugsiga Cabdalla Deeroow Isaaq marwo Xaliimo Maxamed Cabdi ayaa raadiyaha Ergo u sheegtay in haweenka ka faaíideysanaya barnaamijka ay isugu jiraan hablo deegaanadooda kasoo barakacay oo ku nool xerooyin Baydhabo ku yaal, danyar iyo weliba gabdho guryo-joog ahaa ee aan horey helin fursado ay wax ku bartaan.

Marwo Xaliimo Maxamed Cabdi waxay intaa ku dartay in 40 ka mid ah haweenka la barayo xirfada xarqaanka iyo tolista dharka. 25 kalena oo haweenka ka mid ah ayaa sidoo kale la baraa naqshadeynta dharka kariska loo yaqaan, halka 15 kalena ay bartaan farsamada gacanta sida sameynta xaaqimaha, babiska, dambiisha iyo darmooyinka.

Haweenka 80ka gaaraya oo qaarkood ah hooyooyin ah ayaa xirfadaha la baray u isticmaali doona in ay ku shaqeystaan oo ay kasoo saartaan nolol-maalmeedka qoysaskooda. Haweenka ayaa inta uu tababarka socda waxay sidoo kale baran doonaan qoraalka far-soomaaliya iyo xisaabta.

Dugsiga oo horey u ahaa dugsi dowlo oo lacag la’aan ah lagu dhigan jiray ayaa colaadihii dabo-scoday burburkii dowladdii dhexe ku xiray, waxaase dib 2006 u howl-galay qaar kamid ah haweenka deegaanka.

Dugsiga wuxuu bixiyaa waxbarashada tooska ah ee hoose iyo dhexe oo loogu talo-galay gabdhaha yar-yar ee kasoo jeeda qoysaska danyarta iyo agoomaha magaalada ku nool, wax lacag ahna laga ma qaado. Adeegyadaas waxbarashada lacag la’aanta ah ee dugsiga waxaa ka faa’iideysta 945 gabdhood oo ku jira da’da dugsiyada hoose iyo dhexe.

Hay’adda wax-barashada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNICEF iyo Soomaalida dibadaha ku nool ayaa gacan ka-geysta adeegyada waxbarasho ee dugsigu uu fidiyo haweenka Soomaaliyeed.

Cabdulqaadir Barre Macalin/MAR

Previous Post

DOWLADDA OO LOOGU BAAQAY HIRGELINTA DUGSIYO FARSAMO

Next Post

DAD NAAFO AH OO TABABAR CAAFIMAAD UGA FURMAY KISMAAYO

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

DAD NAAFO AH OO TABABAR CAAFIMAAD UGA FURMAY KISMAAYO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo