Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

WHO OO SOOMAALIYA KA BAAREYSA CUDURKA DABEYSHA

Radio Ergo by Radio Ergo
May 17, 2013
in Caafimaadka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankHay’adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan QM ayaa sheegtay in ay gobolka Banaadir ka baareyso jiritaanka raadad la xariira cudurka Dabeysha oo ka mid ah lixda cudur ee dilaaga carruurta ah.

Baaritaanka ay bilowday hay’adda caafimaadka adduunka wuxuu daba socdaa kadib markii la ogaaday in gabadh 32 bil jir ah uu helay xanuun loo malaynayo cudurka Dabaysha aan la hubin bishii hore.

Baaritaanno hordhac ah waxay muujinayaan in xanuunku yahay nooc ka mid ah cudurka dabeysha oo cuuryaamiya carruurta. Hay`adda Caafimaadka Aduunka u qaabilsan QM ee WHO kuma aysan deg-degin iney ku dhawaaqdo in cudurka dabeysha laga helay Soomaaliya, waxey sheegtay iney jiraan xanuuno iyo xaalado kale oo sababi kara cudurka dabaysha aan la hubin.

Koox khuburo caafimaad ah ayaa la geeyay gudaha Muqdisho si ay baaraan kiiska cusub ee la tuhunsna yahay inuu yahay dabeysha. Bishii March sanadkii 2007dii ayey aheyd markii ugu dambeysay ee xanuun noocaas ah oo lala xariirinayo cudurka dabeysha laga soo sheego Soomaaliya.

2009kii talaalka cudurka Dabeysha ayaan gaarin deegaano ka tirsan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, wuxuuna tuhunkan cusub ee la xariirta cudurka dabeysha uga dhigan yahay Soomaaliya halis caafimaad darro oo hor leh.

TalLaalka cudurka dabeysha oo deg-deg ah ayaa lagu wadaa in la siiyo 350 caruur Soomaaliyeed oo ku nool gobolka Banaadir inta lagu gudajiro toddobaadkan. Tallaalka oo laga fulin doono 16 degmo ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka faaíideysan doona carruurta shanta sano ka jir oo la rumeysan yahay in halista cudurka ay u jelcan yihiin.

Waxaa xigi doona oloole kale oo la xariira ka hor tagga cudurka oo dalka oo dhan ka bilaaban doona sida lagu sheegay war qoraal ah oo Hay ádda caafimaadka Aduunka u qaabilsan QM ay soo gaarsiiyay war-qabadka idaacada Arrimaha Biniáadnimo ee Ergo.

Sanadkii 2008dii markii lagu dhawaaqay in Soomaaliya in laga cirib-tiray cudurka Dabeysha waxaa la tallaalay  1.8 milyan oo ah caruur ka yar shanta sano. Oloolahaas lagu cirib-tirayay cudurka Dabeysha waxaa ka qeyb qaatay 10,000 oo isugu jiray shaqaalo caafimaad iyo mutadawiciin ah.

Hay ádda caafimaadka Aduunka waxay sidoo kale dalalka dariska uga ah uga digtay in jeermiska dhaliya cudurka Dabeysha laga yaabo inuu u gudbo.
YK/MH

Previous Post

KALLUUMEYSATO DIB LOOGU CELIYAY KENYA

Next Post

DOWLADDA OO LOOGU BAAQAY HIRGELINTA DUGSIYO FARSAMO

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
DOWLADDA OO LOOGU BAAQAY HIRGELINTA DUGSIYO FARSAMO

DOWLADDA OO LOOGU BAAQAY HIRGELINTA DUGSIYO FARSAMO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo