Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

WAALIDDIINTA CARRUUR LAGU HAYO PUNTLAND OO BEENIYAY IN LAGA GANACSANAYAY

Radio Ergo by Radio Ergo
April 3, 2013
in Arrimaha Bulshada
0
WAALIDDIINTA CARRUUR LAGU HAYO PUNTLAND OO BEENIYAY IN LAGA GANACSANAYAY

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankQaar ka mid ah waaliddiinta dhalay carruur gabdho ah oo dhowaan lagu qabtay deegaannada maamul goboleedka Puntalnd oo la sheegay in loo tahriibinayay ka ganacsi ayaa beeniyay arrintaas.

Waaliddiintan oo beeralley ah kuna nool tuulada Xawaadleey oo hoos tagta degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe qiyaas ahaanna 75km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa lasoo xiriiray Raadiyaha Ergo oo warka carruurtaas oo 5 gabdho ahaa ay ka dhegeysteen, iyagoo sheegay in gabdhaha ay u direen magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland si ay ugu soo shaqeeyaan.

Maxamed Eenow Faarax oo ah aabbaha Jiijo Maxamed Eenow oo ka mid ah 5 gabdhood oo lagu hayo magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland isla markaana adeer u ah Ruqiya oo iyadana gabdhahaas ka mid ah ayaa sheegay “Annaga ayaa dirsannay gabdhahaas iyo laba wiil oo qaraabada ah oo mid ka mid ah walaashey ayuu qabaa, midka kalana wuxuu la dhashay mid ka mid ah gabdhaha, marka  waxaan caddeynayaa inaan gabdhahaas tahriib loo wadin,” Ayuu yiri Maxamed.

Booliiska Puntland ee magaalada Qardho ayaa bishii lasoo dhaafay gacanta ku dhigay 5 gabdhood iyo laba wiil oo ay ku eedeeyeen inay gabdhaha tahriibinayeen, waxaana lagu wareejiyay oo haatan gacanta ku haya wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska Puntaland, halka labada wiilna lagu eedaynayo inay iyagu masuul ka ahaayeen tahriibinta carruurtaan.

Xuseen Xasan, oo ah sarkaal ka tirsan ururka muhaajiriinta caalamiga ah ee IOM xafiiskiisa Soomaaliya ayaa Ergo u xaqiijiyay in shanta gabdhood ay da`doodu u dhaxeyso 5 ilaa 14 jir.

Aabbe Maxamed Eenow ayaa sheegay in gabdhihiisa oo da`doodu ay kala ahayd 14 jir iyo 16 jir ay ku kalliftay inuu shaqo u diro duruufo dhaqaale oo qoyskiisa heysata “Waxaan nahay beeralley iska danyar ah, nacfi badan kama helno beeraha oo mararka qaar daadad ayaa kusoo fataha, shaqo la`aan ayaa ka jirta tuuladaan, noloshuna way iska adagtahay, marka waxaa naloo sheegay in magaalada Boosaaso ay ka jiraan fursado shaqo oo guryaha laga shaqeeyo ah oo gabdhaha ay qabtaan, waxaana u arkay inay taas tahay dakhliga keliya ee aan heli karno, sidaas daraaddeed ayaan gabdhaheyga ugu diray Boosaaso,” ayuu yiri Eenow.

Xijaas Barsanja Xaaji oo dhalay mid ka mid ah wiilashii waday gabdhahaas oo isagana ku sugan tuulada Xawaadley ayaa raadiyo Ergo u sheegay in wiilkiisa uusan gabdhaha tahriibineynin balse ay waaliddiintooda raaciyeen si ay u geeyaan magaalada Boosaaso.

Gabdhahan mid ka mid ah ayaa da`deeda lagu sheegay 5jir, haddii iyadana loo waday shaqo ama sabab kale, waxaa ka warramaya Xijaas “5 jir way ka yara roontahay, iyadana shaqo ayaa loo waday si wixii ay qaban karto reerka ugu soo shaqeyso.” Ayuu yiri Xijaas.

Cabdulqaadir Yuusuf Daahir, agaasimaha guud ee wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland ayaa raadiyo Ergo u sheegay in gabdhahaas inta lagu wareejinayo waaliddiintooda ay wasaaraddu gacanta ku heyn doonto.

Eenow ayaa sheegay in inkastoo ay weli heysato duruuftii uu gabdhihiisa u dirsaday, haddana mar ay la  xiriireen maamulka Puntalnd loo sheegay inay soo dirsadaan qarashka lagu soo celin lahaa “Waxaan ka codsanayaa maamulka Puntland iyo hay`adaha gargaarkaba inay gacan nagu siiyaan in gabdhaheenna iyo wiilashii wadayba naloo soo celiyo, ma heysanno qarash aan dib ugu soo celinno halkaan.” Ayuu mar kale yiri Eenow.

Inkastoo ay qoysaska carruurtan ku doodayaan in carruurtooda ay u dirsadeen shaqooyin, haddana shuruucda shaqaalaha caalamiga ah uma oggolaanayso in carruurtu ay ku lugyeeshaan shaqooyin, in qoysaskooda laga kaxeeyo, in halis la geliyo naftooda iyo waddooyinka magaalooyinka la isaga tago- badanaa marka ay da` yar yihiin.

Abdulkadir Abdulle/Cabdiraxmaan Xaaji/FM

Previous Post

Barakacayaal ka cabanaya dhul lagu amray in ay ka guuraan

Next Post

Hobyo oo gargaar caafimaad ka heshay maraakiibta NATO

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Hobyo oo gargaar caafimaad ka heshay maraakiibta NATO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo