Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barakacayaal ka cabanaya dhul lagu amray in ay ka guuraan

admin by admin
April 2, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBarkacayaal ka cabanaya dhul lagu amray inay ka guuraan

Kaamka barakacayaasha ee Buula Eelaay wuxuu ku yaallaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, wuxuuna masaafo dhan 6-km uu ka xigaa magaalada dhanka bari, kaamka wuxuu kamid yahay kaamamka ugu waaweyn ee ay ku nool yihiin dadka ka soo barakacay gobollada dalka muddadii burburka, kuwaasoo soo miciin bidey inay ku noolaadaan magaalada Boosaaso.

Dadka ku nool kaamkan ayaa waxay u badan yihiin xoolo dhaqato iyo beeralley kasoo carartay colaadihii iyo abaarihii dalka soo marey, waxaana ka mid ah dad xeryo hore isaga soo guuray iyo kuwo cusub. Kaamkan waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 11,000 oo qoys, sida ay xaqiijisay hayád maxalli ah oo ka howlgasha magaalada Boosaaso.

Barakacayaasha ku jiray xerada Buulo Eelaay ayaa hadda waxaa soo food-saartay cabsi iyo jahwareer mustqabalkooda ah kaddibmarkii muran gacan kahadal iyo cago jugleyn dhexmartey iyaga iyo dadkii iska lahaa milkiyada dhulka ay xeradan ku taallo uu sababay in qaarkood ay billaabeen in ay xerada isaga guuraan.

Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee heysta barakacayaashan ayaa ah dhanka hoyga, iyadoo uu jiro is qabqabsi la xiriira dhulka cusub ee ay soo degeen , qaar kamid ah milkiilayaasha dhulkan ayaa ku amray barkacayaasha inay isaga guuraan halka qaar kale oo isla milkiilayaashana ay oggol yihiin in barakacayaashu ay degganaadaan dhulkan.

Barakacayaasha murankaas dartiis u guuray oo aan la tira-koobin ayaa waxay hadda u guureen bariga Boosaaso oo ay hadda ku yaallaan in ka badan 25-xero oo ay ku jiraan dad barakacayaal ah.

Barakacayaashan oo la hadlay idaacadda Ergo ayaa waxay ka codsadeen maamulka iyo hayáddaha samafalka inay wax ka qabtaan dhibaatadan.

Gobolka Bari waxaa ku sugan 49,000 oo barakacayaal ah, sida ay sheegayso hayádda QM ugu qeybsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR.

Maamulka degmada Boosaaso ayaa sheegay inay wax ka qabanayaan cabashadani kasoo yeereysa barakacayaasha, xildhibaan C/nuur Galleyr oo ah xildhibaanka arrimaha bulshada ee golaha deegaanka degmada Boosaaso ayaa sheegay inuu jiray heshiis dhex maray maamulka degmada iyo milkiilayaasha iska leh dhulka uu ka dhisan yahay kaamka Buula Eelaay kaaso dhigaya in dadkan muddo 5-sano ah ay ku noolaadaan halkaas.

Cabashadan kasoo yeereysa barakacayaasha kaamka Buula Eelaay ee la xiriirta dhulka ay deggan yihiin ayaa kusoo aadeysa xilli hay`adaha samaflku ay ka deyriyeen in la helo dhul bannaan oo la dejiyo barakacayaasha Boosaaso, waxaana ku nool magaalada barakacayaal kor u dhaafaya 60,000 oo qoys, kuwaasoo ay soo sal kiciyeen abaaro iyo colaado dalka soo maray .

Axmed Soomaali/ MG/FM/AM

Previous Post

SAADAASHA ROOBABKA TODDOBAADKA

Next Post

WAALIDDIINTA CARRUUR LAGU HAYO PUNTLAND OO BEENIYAY IN LAGA GANACSANAYAY

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
WAALIDDIINTA CARRUUR LAGU HAYO PUNTLAND OO BEENIYAY IN LAGA GANACSANAYAY

WAALIDDIINTA CARRUUR LAGU HAYO PUNTLAND OO BEENIYAY IN LAGA GANACSANAYAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-MAY-2026

IDAACADDA 17-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2026
May 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo