oobabkii da`ay muddadii u dhaxeysay (26kii Maarso ilaa 1dii Abriil 2013ka)
- Intii lagu guda jiray toddobaadkii tegay qeybo badan oo Soomaaliya ka tirsan ayaa helay roobab isugu jiray dhexdhexaad iyo kuwo culus oo suurto geliyay in xilli hore ay roobbakii Guga ee sanadkan 2013ka ka billowdaan dalka. Qeybaha roobabkaas ay ka curteen ayaa waxaa ka mid ah magaalada Gaalkacyo oo heerka qiyaasta biyaha roobabka ka da`ay ay ahaayeen (32mm), degmada Eyl (55mm), Laascaanood (92mm), Jowhar (48mm) iyo Baardheere (103mm) . Si kastaba , qeybo yar ayaan weli helin roobabkii ay in badan sugayeen.
- Heerarka webiyada Jubba iyo Shabeelle ayaa ka sarreeya heerarkooda caadiga ah xilligan, iyadoo roobab ay ka da`een dhulalka sare eeItoobiya labadii toddobaad ee lasoo dhaafay.
Saadaasha roobka muddada u dhaxeysa (1dii ilaa 7da Abriil 2013ka)
- Saadaasha roobabka saddexda maalmood ee soo socota ayaa tusineysa in xaalado qoyaan ah ay kasii jiri doonaan inta badan qeybaha dalka oo la filayo inay sii fidaan sababo la xiriira awoodda iyo xoogga roobabka.









