
Habkaani waa kan lagu ciladd bixiya qalabka tiknoolajiga, dhalinyaradda baranaysa hababka cillad saarista qalabka korantadda ayaa ah xirfad wakhtigaan Burco si weyn ugu sii kordhaysa. Iyagoona ku kabaya nolosha qoyskooda, Cabdillaahi Xundub waa nin naafo ah, wuxuuna muddo 10 sanno ah ku shaqaynayey xirfaddan samaynta qalabka korantadda haba ugu horeeyo raadiyayaasha, tvyadda iyo talefonka gacantu,
“Waxaan asal ahaan aqaanay xirfadda samaynta qalabka konrantadda sida samaynta raadiyayaasha, tvyadda, taasoo ii sahashay inaan derso hababka ay u shaqeeyaan taleeonadu, waxaan ahay nin naafo ah, shaqaale ayaanan u ahaa nin lahaa meherad lagu sameeyo qalabkaas, mana jiro haba yaraatee dugsi tababar oo ka dhisan Burco ama Hargeysa oo aan aqontaan ku bartay, keliya hab aan kasoo eegtay rag hore u samayn jirey qalabkaan ayaana ah asalka tacliinta aan wato. Shaqadda inta badan aan qabtaa waa inaan sameeyo taleefonadda gacanta, waxaanan bilaabay 2005tii, waxaana igu kelifay markaan arkay in farsamada tiknoolajiyadu ku soo badanayso wadanka, aysanna joogin dad aqoon u leh iyo xarrumo tababar midna, arrintaan ayaana igu khasabtay inaan hawshaan galo”
Cabdullaahi wuxuu sheegay inuu hadda yahay tababare bara xirfadaan dhalinyarta, iyadoo dhalinyaro badan ay ka faa’iideysteen haddana ku leeyihiin goobo ay iyagu leeyihiin magalada Burco, isagoona hadda xaruntiisii samaynta u bedelay xarun tababar uu ku barayo xirfadahaan dhalinyarta, tanoo ah fursad wanaagsan, isagoona sheegay inay gacan ka siyaan hay’adda Care oo ka shaqaysa dhinaca gargaarka ayaa iyana ah hay’addo dhalinyaradda ka taageera barista farsamadaan dhalinyaradda ku nool Burco, waxayna ka bixiyaan dhinacyadda qarashaadka, iyagoona xaruntaan Tababarka ee Xundub ka barta.
Waxaa kaloo jira dhalinyaro door ah oo ka faa’iidaystay tababarkaan, haddana furtay meherado ay iyagu gaar u leeyihiin, oo uu ka mid yahay Axmed Aadan “waxaa la yiraahdaa Axmed Aadan, waxaan bartay xirfadda samaynta taleefonadda, hadda muddo 3 sanno ah ayaan ku shaqaysanayey, wadanka inaad shaqo ka hesho way adagtahay, waxayna tani iga caawisay inaan la soo baxo nolol maalmeedkayga, waxaan furtay sandaqad yar oo aan ku farsameeyo, inkastoo ay kooban tahay aqoontaydu, haddana waa talaabo fure u noqotay noloshayda”
Saalax Kaahin Warsame oo isna nin dhalinyaro ah ayaa sheegay inuu 7 sano ka hor shaqo la’aan haysay darted uu tahriib u galay, isagoona maray Ethiopia, kadibna Suudaan, dhalinyaro 3 ah oo reer Burco ahaa oo ay israaceenna ay ku dhinteen saxaaraha u dhexeeya Suudaan iyo Liibiya sanadkii 2006, taasina ay ku khasabtay inuu dib ugu soo noqdo Burco oo uu horay uga tegey, kadib hay’adda Care tababaro dhinaca barashada farsamaynta qalabka korantadda oo ay ka bixinaysay qarashaadka dhalinyaro 10 ah uu ka mid ahaa, wixii ka danbeeyey 2010kiina uu isagu hadda gacantiisa ku shaqaysto.
Maxamed Cabdilaahi Cabdi oo isaguna ka mid ah farsama yaqaanadda ayaa sheegay inuu yahay aabe dhalay 10 carruur ah, uuna ka helo dhamaan nololsha carruurtiisa iyo qarashaadkuu kaga bixiyo waxbarashadda, maalintiina waxaa iga soo gala 15 – 20 dollar, haddana waan ku qanacsanahay.
Dhamaan farsamayaqaanadda telefonadaan ayaa isku raacay in dhibaato ba’ani ka haysato dhinaca aqoonto, hawsha samaynta taleefonadda oo u bahan hanaan casri ah ayeysan iyagu aqoon u lahayn, keliyana ay ku shaqeeyaan hab soo jireen ah oo ka soo jeeda samaynta raadiyayaasha, tviyada iyo rikooradda, tanoo ah dhibaatadda hor taagan, iyagoona codsanaya in laga taakuleeyo helista xarun tababar tiknoolojiyada, maadaama isticmaalkeeduna kordhayo, aqoonteeduna yartahay, si ay kor ugu qaadaan tayadda shaqo iyo aqooneed ee farsamadda qalabka tiknoolojiyada iyo cilad bixintooda.
Waalidiinta ku nool Burco ayaa sanadahaan welwelka ugu darani ka hayey qul qulka tahriibka da’yartooda, oo ku dhamaada saxaaraha u dhexeeya Libiya iyo Suudaan, iyo sidoo kale iyagoo waalidintu sheegay in da’yar badani ku nafwaayeen badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga, duruufaha ay sheegayaanna inay u tahriibiyaanna tahay iyagoon haba yaraatee haysan fursado shaqo.
Aabe Jamac Farax oo ka mid ah odayaasha Burco ayaa Ergo u sheegay in xirfad u samaynta dhalinyaraddu tahay talaabadda keliya ee looga joojin karo tahriibka halista badan ee ay gelayaan, gaar ahaan barashada farsamada casriga ah oo wakhtigaan ah fursad baahideedu kordhayso.
Dhamaad
MH










