Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roobab khasaare ka geystay Hiiraan iyo Nugaal

Radio Ergo by Radio Ergo
March 29, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankUgu yaraan labo carruur ah ayaa ku dhintay kaddibmarkii ay qaadeen daadad ku soo rogmaday tog weyn oo ku yaalla deegaanka Bur-Daar oo 38 KM dhinaca koonfur kaga beegan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan maalinimadii arbacada ee 27 bishan.

Carruurtan ayaa ahaa walaalo isku da’xigay, oo daádooduna ay kala ahayd 9 sanno iyo 11 sano kana soo jeeda qoys xoolo dhaqato ah oo degan deegaankaas, sida ay idaacada Ergo u xaqiijiyeen.

Sida uu xaqiijiyey aabaha labadan carruurtan ah Ibraahim Muxumed waxa ay carruurtiisa ay dhinteen kaddibmarkii daadad ka dhashay roobab daáy inkabadan 8 saacadood, xilli ay ari kula joogeen toga loo yaqaano Arabow ee halkaas ku yaalla.

“Xoolo ayeey saaka u  raaceen carruurteeyda toga Iriboow markay saacaddu ahayd 2:00 duhurnimo ayaa roob xoogan oo dhibic culus iyo hanfi wato uu yimid , caruurtu waxa ay si lama filaan ah u raaceen toga, haddana waxaana gurmad ay sameeyeen dadka deegaanka lagu guulaystay in la helo meydkooda”. Ayuu sheegay Ibraahim Muxumed

Sida uu sheegay Ibraahim, markii roobkii qayoodey ayaa hooyada carruurta waxa ay ka wardoontay labada cunug balse nasiib daro waxa ay oggaatay in carruurtii maqanyihiin”.

Sanadkii hore xiliga Guga ayaa isla deeggaankan waxaa sidan oo kale uu toggaasi qaaday labo carruur ah oo goobta ku dhimatay, kuwaas oo iyaguna ahaa xoolo raacato”.

Xiliyadan roobaabkan ay billawdaan ayaa waxa carruurta ku nool qeybo kala duwan oo Soomaaliya ah ay halis kala kulmaan biyo awooda badan ku socda oo ay u nugulyihiin in ay qaadan.

Isla roobab kuwaas lamid ah oo watay dabeylo ayaa ka daáy deeganada Ceel-weyne, Bahaley, Godob yar iyo Ceel-qaanso ee galbeedka Buurtinle arbacadii.

Inkastoo aanan ilaa iyo hadda la soo sheegin wax khasaare naf dadeed ah oo ay roobabku gaysteen khasaare kale oo xagga dhaqaalaha ah oo aad u weyn ayaa ka dhashay kaddib markii ay biyaha roobabkaasi iyo dabeylo ay dileen inkabadan 300 oo neef oo xoolo ah, iyagoona barakiciyay ilaa 23 qoys sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Burtinle Liibaan Maxamed Xirsi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay soo kormeereen khasaaraha, ayna ogaadeen in dabaylo qabow oo ay wateen roobabka ay dileen intabadan xoolaha.

Mahdi Cali wuxuu ka mid yahay dadka deegaanka Ceel-weyne ee Burtinle, ahna deegaan kamid ah goobaha ay roobabkaas khasaareha u gaysteen. Wuxuu ka warbixiyay wixii uu arkay “23-qoys oo ka mid ah dadka xoolahoodii ay la tageen biyaha ayaa halkaan aanu ku joogna, oo ku dhib qabnaa”.

Gudoomiyaha degmada Buurtinle wuxuu idaacada ERGO ayaa sheegay  in ay Maamulku ku mashquulsan yihiin sidii gargaar loola gaari lahaa dadka xoolahooda ay roobabku la tageen, iyo weliba dad kale oo ku sugan deegaanka Godob Yar oo ay biyaha roobku guryaha  ka dumiyeen.

Shacabka iyo ganacsatada reer Buurtinle ayaa gelinkii dambe ee khamiistii geeyey deegaanada roobabku ka da,een qalab kala gedisan oo u badan shiraaca laga galo biyaha roobka, iyo weliba raashiin kala gedisan oo loogu talo galay dadkii cayroobay oo weli ku sugan deeganadii ay aafadu ku dhacday, Puntland iyo Hay,daha caalamiga ahna waxaa baaq u diray Maamulka deegaanka.

Sikastaba xilligan ay curteen roobabkii Guga waxaa si ay sheegeen maamulka degmada Burtinle ay sidoo kale qaadayaan tallaabooyin ay ku xaqiijinayaan si aysan halkaasi uga dhalan cuduro maadaama ay haatan jirto cabsi baaxad leh oo arrintaas la xiriirta.

Cabdiraxmaan Xaaji/MG

Previous Post

Barakacayaasha Gaalkacayo oo dib ugu noqona goobahay ka yimaadeen

Next Post

HORUMARKA XIRFADA FARSAMADA GACANTU KU YEELATO SHAQO ABUURKA DHALINYARADA BURCO.

Related Posts

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
Next Post
HORUMARKA XIRFADA FARSAMADA GACANTU KU YEELATO SHAQO ABUURKA DHALINYARADA BURCO.

HORUMARKA XIRFADA FARSAMADA GACANTU KU YEELATO SHAQO ABUURKA DHALINYARADA BURCO.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-JUN-2026

IDAACADDA 10-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUN-2026
June 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUN-2026
June 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUN-2026
June 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo