Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Hobyo oo gargaar caafimaad ka heshay maraakiibta NATO

Radio Ergo by Radio Ergo
April 4, 2013
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMaraakiibta NATO oo ku sugan badda Soomaaliya ayaa 27kii-30kii bisha Maarso waxay gargaar caafimaad u fidiyeen 147 qof oo ku nool magaalda Hobyo.

Maraakiibtan oo ka mid ah maraakiibta halkaas u jooga iney ka hortagaan falalka burcad-badeedda Soomaalida ayaa waxay baroosinka soo dhigteen magaalada Hobyo. Adeegyadaan caafimaad waxaa  fuliyey takhaatiir Talyaani ah oo  ka mid ah kuwa la socda maraakiibta NATO, iyadoo ay ka faa’iidaysteen dadka reer Hobyo siduu Ergo u sheegay duqa degmada Hobyo Maxamuud Cawaale “Markaan aragnay dhibaatada dhinaca caafimaad ee ka jirta Hobyo ayaan la xiriirnay ciidamadda NATO, si ay nooga caawiyaan arrimaha caafimaadka, weyna noo yimaadeen, wax qarsoonna ma ahan, Hoybo muddo dheer ayey dadkeedu la il darraayeen dhibaatadda cafimaad darro iyo tacliin xumo ee jirta”

Cali Baashe Macalin Abitidoon oo ka mid ah dadkii ka faa’iidaystay adeegaan cafimaad ayaa isaguna yiri “Anniga waxay iga daweeyeen xanuun dhinaca kelida ah oo I hayey, waxay igu sameeyeen badhitaanno dhinaca computerka ah, kadib daawo ayey ii qoreen”.
Xanuunnadda ugu badan ee dadka bukaanka ah laga daaweeyey ayaa ahaa, keliyaha, burooyin iyo xanuuno kale, siduu sheegay dakhtar Makaahiil Axmed Maxamed oo ah dhakhtar reer Hobyo, gacanna siinayey dhakhaatiirta NATO, wuxuuna Ergo u sheegay  in dadkan dawada helay ay ka kala yimaaddeen deegaanno badan oo gobolka Mudug iyo Galgaduud ka tirsan sida Xarardheere.

Hooyo Maryam Axmed oo ilmo yar oo laba sano jira looga daaweyey xanuun madaxa biyo kaga jireeen ayaa Ergo u sheegtay in muddo hal sanno ka badan uu ilmaheedu xanuunsanaa ayna geysay goobo caafimaad oo guddaha ah, daawooyinkay u qoreenna aysan waxba u tarin.
Magaalada Hobyo waa magaalo qaddiim ah oo ay badmareennadu ugu soo leexan jireen iney ku nastaan biyona ke helaan, waana sida ay taariikhdu sheegeyso magacaas Hobyo wuxuu ka yimid (Hoo biyo),  muddooyinkan damabese Hobyo waxay ka mid noqotay xarumaha ay burcabadeeddu ay hogyga ka dhigteen, waxayna magaalada caasimadda ah ee Muqdisho u jirtaa masaafo dhan  510Km, waxaana ku nool dad lagu qiyaasay 12,000 oo qof.
Dhamaad.

GW/MH

Previous Post

WAALIDDIINTA CARRUUR LAGU HAYO PUNTLAND OO BEENIYAY IN LAGA GANACSANAYAY

Next Post

JOWHAR: CABSI LAGA QABO INUU FATAHO WEBIGA SHABELLE

Related Posts

Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntalnd
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntalnd

May 20, 2025
Awdal: Qodashada dahabka oo soo kabasho u noqotay beeraley ka quustay wax beersashada
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Qodashada dahabka oo soo kabasho u noqotay beeraley ka quustay wax beersashada

May 19, 2025
blank
Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Qoysas dib u soo kabatay markii xayiraad laga qaaday deegaannadooda

May 17, 2025
Qoysas maciin bidday Muqdisho markii uu saameeyay dagaalka Shabaab iyo dowladda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas maciin bidday Muqdisho markii uu saameeyay dagaalka Shabaab iyo dowladda

May 15, 2025
Muqdisho: Haween iyo carruur ka barakacay colaad oo wajahaya xaalad hubanti la’aan ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Haween iyo carruur ka barakacay colaad oo wajahaya xaalad hubanti la’aan ah

May 14, 2025
Nugaal: Kalluumeysto ka soo kabtay nolol xumo markii ay heleen shirkad u iib-gaysa malayga
Wararkii u Danbeeyay

Nugaal: Kalluumeysto ka soo kabtay nolol xumo markii ay heleen shirkad u iib-gaysa malayga

May 13, 2025
Next Post
JOWHAR: CABSI LAGA QABO INUU FATAHO WEBIGA SHABELLE

JOWHAR: CABSI LAGA QABO INUU FATAHO WEBIGA SHABELLE

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-MAY 2025

IDAACADDA 19-MAY 2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-MAY 2025
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY 2025
May 19, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 18-MAY-2025
May 18, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2025
May 17, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2025
May 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2025
May 15, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo