Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

PUNTLAND OO KU ADKEYSTAY INEYAN MARNABA OGGOLAANEYN IN IDAACADAHA ERGO, HIRAD IYO BAR-KULAN LAGA SII BAAHIYO IDAACADAHA PUNTLAND.

Radio Ergo by Radio Ergo
April 5, 2013
in Arrimaha Bulshada
0
QARAMADDA MIDOOBAY OO KA HADASHAY MUHIIMADDA IDAACADUHU LEEYIHIIN
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankKadib kulan ay wada qaateen warbaahinta iyo maamulka Puntland ayaa waxaa la amray in la fasaxo sadex idaacadood oo maamulka Puntland uu ka joojiyey shaqadii baahinta kuwaasi oo hawada ka maqnaa labadii maalmood aynu soo dhaafney.  Idaacadahaan oo kala ah radio Daljir,Codka Nabada iyo One Nation radio ayaa dib u bilaabey shaqooyiinkooda galabnimadii shaley kadib ogolaansho ay ka heleen wasaarada warfaainta Puntland.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa ku tilmaamey ujeeddada loo xirey idaacadaha Daljir,Codka Nabada iyo One Nation radio kadib markii ay joojin waayeen baahinta idaacado ku yaaal dalka dibadiisa kuwaas oo kala ah radio Ergo oo ka shaqeeya arimaha bini’aadanimada iyo radio Hiirad oo tababarro siiya wariyeyaasha Soomaalida fadhigiisuna yahay magaalada Hargeisa iyo Radio Bar-kulan. Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa ku adkeystay in aysan marnaba ogolaandoonin in idaacadahan laga baahiyo kuwa ku yaal gudaha deegaannada Puntland inta ay oggolaansho ka helayaan wasaarada warfaafinta.

Ururrada  u dooda xuquuqda saxaafadda ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareyey amarka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ee lagu joojiyey idaacadaha Ergo, Hirad iyo Bar-kulan. Burhaan Axmed Daahir waa Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ahna Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa sharci darro uu ku tilaamey amarka wasaarada warfaafinta Puntland kaasoo uu sheegay in aysan meelna uga qorneyn sharciga warbaahinta Puntland ee Low Number 5.

Hadal heynta ugu badan ee deegaannada Puntland ayaa noqotey amarka ka soo baxay wasaarada warfaafinta Puntland ee lagu joojiyey idaacadaha Ergo, Hirad iyo Bar-kulan oo ay si weyn ugu xirnaayeen dhageystiyaal fara badan, bulshada ku nool gobolka ayaa ka codsadey maamulka Puntland in uu ka fiirsado tillaabada uu ku joojiyey Radio Ergo oo soo gudbiya macluumaad ku saabsan arrimaha bini`aadannimada.

Si kastooy ahaataba waxaa muuqanaya dhalliilo loo jeedinayo maamulka Puntland taas oo la xiriirta joojnta idaacadaas, mana ahan markii ugu horreysay ee maamulka Puntland loogana codsanayo iney tillaabadaas wax ka beddesho.

Axmed Somali/AM/MH

Previous Post

QIMAHA XOOLAHA EE QAYBO KA TIRSAN DALKA.

Next Post

Sheekada fannaanad miino ku curyaantay, qoyskeedana dishay

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Sheekada fannaanad miino ku curyaantay, qoyskeedana dishay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo