Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Sheekada fannaanad miino ku curyaantay, qoyskeedana dishay

admin by admin
April 5, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Fallis: Waxaa qaraxan ku dhintay 8 qof oo uu ku jiro wiilkaygii curadka ahaa, aabahay, hooyaday iyo intii ila dhalatay oo dhan.

Dagaallada iyo colaadihii Soomaaliya waxay saamayn ku yeesheen dhammaan dhinacyada bulshada, waxaana ku batay khatarta deegaanka, iyadoo goob kasta oo waddanka ah aad ku arkaysid haraadiga hubka, kuwo qarxay iyo kuwo aan weli qarxin.

Fallis Cali Sahal Cilmi waxay ahayd fannaaniintii cusbaa ee ka soo baxay Muqdisho sanadihii ugu dambeeyey, waxayna ka mid tahay tiro aan weli si xaqiiq ah loo ogaan oo ay naafeeyeen qaraxyada, dagaallada iyo haraadiga hubka loo isticmaalayo colaadaha Soomaaliya ka taagan muddada ka badan 20ka sano, Felis qarax sanadkii 2007dii ku haleelay Muqdisho jidadkeeda mid ka mid ah ayaa ka dhigay naafo ay ku wayday labadeedii lugood, ilaa haddana dhawacyadii qaraxaasi ayey la bugtaa, waxayna Fallis Ergo uga sheekaysay sidii ay wax ugu dhaceen.

“Waxaan degganayn xaafadda suuq bacaad, markii dagaalku ka socday gudaha Muqdisho sanadkii 2007dii, Bishii May, annigoo markaas ka qaxaya dagaalka socday, ayaan soo raacnay gaari aan ku barakacaynay aniga iyo qoyskaygu, waxaan gaariga ku saarnayn 9 qof oo aan isku qoys ahayn, miino dhulka ku aasan ayaa gaarigeennii la kacday, aniga waxaan miyirsaday afar maalmood ka dib anigoo isbitaal Keysanay ku jira, anigoo xubnahaygii qaar maqan yihiin.

Waxaa qaraxaan ku dhintay 8 qof oo aan isku qoys nahay oo uu ku jiro wiilkaygii curadka, aabbahay,hooyaday iyo intii ila dhalatay ayey ahaayeen. Waxaa la ii qaaday Jabuuti si la iiga soo daaweeyo dhaawacyo aad u daran oo i soo gaaray, waxaanan ogaaday in qoyskaygii ay miinadaas ku dhammaadeen afar bilood kadib.

Waxa ila dhashay, waalid iyo cid ii qoys ah manta dunida kuma noola dhammaantoodna qaraxaas ayey ku dhamaadeen, anigana labadii lugoodba waa la iga jaray, ilaa haddana xanuunkii waa isii hayaa, dhaawiciina weli kama bogsan”.

Fellis oo sheekadeeda tiirannyada iyo caloolyowga badan sii wadata  kana warrameysa sida ay hadda u nooshahay ayaa waxay tiri: “Waxaan hadda noolahay buush ku yaalla Tarabuunka, mana haysato cid  i taakulaysa, waxaan ka dawarsadaa ayey tiri jidka oo aan fariisto, waxaan dareemayaa murugo badan, siiba marka xanuunku i qabto, waxaan raadiyaa xanuun baabi’iye anigoo gurguuranaya”

Fallis oo soo xusuusanaysa xilligii laxaadkeedu u dhamaa, iskana shaqeysan jirtay ayaa waxay ka warrameysaa sida waqtigaas xaalkeedu ahaa”Horay waxaan uga shaqayn jirey hab fannaan, oo aan ka mid ahaa fannaaniintii Muqdisho ka soo baxay intii buruburku jiray, sidoo kale mar waxaan ahaa dukaanle, hadda waxaan ahay naafo, waxna ma qaban karo, welina wax i taakuleeyo ma helin”

Ugu dambeyntii waxay Fallis codsaneysaa in laga taakuleeyo sidii ay u heli lahayd caafimaad dheeraad ah, iyadoo sheegtay inay u baahantahay qalliin, lugtayda meeshii laga gooyey weli dheecaan ayaa ka socda mana bogsan, waxayna intaas ku dartay inay goob kula nooshahay hooyoyin ilaa saddex ah oo iyana ay naafeeyeen qaraxyo haleelay, marka qofku lixaadkiisa waayana uu yahay qof aad murugsan, nolosha dhinacyadeeduna ku adkaato ayey hadalkeedii ku soo koobtay Felis.

AA/MH/AM

 

Previous Post

PUNTLAND OO KU ADKEYSTAY INEYAN MARNABA OGGOLAANEYN IN IDAACADAHA ERGO, HIRAD IYO BAR-KULAN LAGA SII BAAHIYO IDAACADAHA PUNTLAND.

Next Post

WABIGA SHABEELLE OO FATAHAAD KA GEYSTAY SHABEELLAHA DHEXE

Related Posts

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 23, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Next Post
WABIGA SHABEELLE OO FATAHAAD KA GEYSTAY SHABEELLAHA DHEXE

WABIGA SHABEELLE OO FATAHAAD KA GEYSTAY SHABEELLAHA DHEXE

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-JUN-2026

IDAACADDA 25-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUN-2026
June 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUN-2026
June 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2026
June 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2026
June 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2026
June 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo