Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

WABIGA SHABEELLE OO FATAHAAD KA GEYSTAY SHABEELLAHA DHEXE

Radio Ergo by Radio Ergo
April 8, 2013
in Masiibooyinka
0
WABIGA SHABEELLE OO FATAHAAD KA GEYSTAY SHABEELLAHA DHEXE
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWabiga Shabeelle ayaa fatahaad ka geystay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe, xilligaan oo roobbakii Guga ay ka billowdeen halkaas.

Tuulada Maandheere oo 17 km koofur bari kaga beegan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayuu wabigu ku fatahay, isagoo gooyay dhulbeereedyo ay ka baxayeen dalagyada sisinta, galleyda, digirta iyo noocyo khudaar ah, sida uu Ergo u sheegay Jeylaani Macallin Yuusuf oo ah guddoomiyaha degmadaas.

“Qiyaastii 100 Hiktar oo dhulbeereedyo ah ayuu wabigu burburiyay, wuxuuna wabigu kusuu socdaa bartamaha tuuladan, sidoo kale dad aan qiyaastooda heynin ayaa barakacay.” Ayuu yiri Jeylaani.

Tuulada Tugaarrey oo 18km dhanka bari kaga beegan magaalada Jowhar kana mid ah tuulooyinka wabigu fatahaadda ka geystay toddobaadkii tegay ayaa waxaa daadka raacay dhul beereedyo, kadib markii ay fatahday buqda ugu weyn tuuladaas, sida uu Ergo u xaqiijiyay guddoomiyaha tuuladaas.

“Dhulbeereedo gaaraya 1500 Hiktar oo tacban ayna ka baxayeen dalagyada sisinta, galleyda iyo digirta ayaa daadka raacay, waxaa jira dhulbeereedyo kale oo aan tacbaneyn oo ay biyuhu fadhiyaan, taasna waxay niyad jab ku abuurtay beeralleyda ku dhaqna tuuladan oo ah dad danyar ah kuna tiirsanaa waxa ay ka goostaan beerahooda.” Sidaa waxaa yiri Cali Maxamed Xaaji, oo ah guddoomiyaha tuulada Tugaarrey.

Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe oo gacan ka helaya qaar ka mid ah ganacsatada tuuladaas ayaa ku guuleystay inay xiraan buqda fatahday ee Tugaarrey, balse waxaa jira fatahaado kale oo laga cabsi qabo in wabigu ka geysto tuulooyin hor leh.

“Xilli roobaadkaan Guga mar walba wabiga Shabeelle wuu fatahaa, inkastoo aan xirnay buqda Tugaarrey, haddana waxaa jira 9 buq (Meelaha jilicsan ee qarka webiga) oo kale oo laga cabsi qabo inay fatahaan, waxaan ka codsaneynaa dowladda Federaalka iyo hay`adaha arrimaha beeraha ku shaqada leh inay naga caawiyaan ka hortagga fatahaado kale oo wabigu uu geysto.” Sidaa waxaa yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, Cabdi Jiinow Calasow.

Hay`adda QM u qaabilsan cunnada iyo beeraha ee FAO ayaa xaqiijisay in heerka biyaha wabiga Shabeelle ay kor u dhaafeen 5.00m, taasoo qarka u saaran inuu karkaarrada jabsado.

Maryan Sheekh Cabdi/FM

Previous Post

Sheekada fannaanad miino ku curyaantay, qoyskeedana dishay

Next Post

Dawladda Soomaaliya oo dardar gelinaysa rarista barakacayaasha Muqdisho

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Dawladda Soomaaliya oo dardar gelinaysa rarista barakacayaasha Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo