Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dawladda Soomaaliya oo dardar gelinaysa rarista barakacayaasha Muqdisho

admin by admin
April 8, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMaryan: “Haddii ay dhacdo in nala raro, waxaa noogu muhiimsan goobaha nala geynayo amaankeenna iyo wixii nolosha aasaasi u ah”

Dowlada Soomaaliya oo kaashaneysa qaar kamid ah heyadaha qaramada midoobay ayaa sheegtay inay heer gabagaba ah u marayo qorsho magaalada looga rarayo dad lagu qiyaasayo 400,000 (Afar boqol oo kun) oo ruux oo ah dadka guddaha Muqdisho ku soo barakacay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Nuur Tarsan ayaa Ergo u sheegay in la qorsheeyay in dadkan xeryo looga unko ilaa saddax goob oo kala ah Deyniile Jaziira iyo Gubadley oo  intuba dhaca duleedyada Muqdisho.

Fulinta qorshahan ayaa dawladda Soomaaliya u xilsaartay guddiyo ka kooban qaar ka mid ah goleheeda wasiirrada iyo mas`uuliinta gobolka Banaadir.

Duqa muqdisho Maxamuud Axmed Nuur tarsan oo Ergo u warramayey ayaa yir” ma jirto dawlad oggolaanaysaa aysan in magaalo dhexdeed dad ay noloshaan adag ugu dhex noolaadaan, goob uga cafimaad roon oo ka nadiifsan ayaan u raraynaa dadka, wuxuuna ku amray dadka ka dhex shaqaysta magaalada hadday awoodaan inay guryo kiraystaan” wuxuuna Tarsan hadalkiisa sii raaciyay isagoo ka hadlaya cidda ay kala kaashanayaan rarista dadkan iney arrintani ay kala shaqeyn doonaan hay’addaha gargaarka.

Hadaba maxay tahay adeegyada amaba nolosha dhaanta halka loo rararayo dadkan ugu diyaarsan? Su`ashan waxaan weydiinnay guddoomiyaha hey`adda maareynta musiibooyinka Soomaaliya Dr. Cabdullaahi Maxamed Jimcaale wuxuuna yiri” Intaan dadkaan la rarin in loo bahan yahay in loo sameeyo waxyaabaha aasaasiga ah sida hoy, biyo, cunto iyo daawo, taasbaana ka horraysa tallaabo kasta oo lagu rarayo dadka.

Maryan Cali Sahal oo ah haweeney kamid ah barakacayasha deggan xero ku agtaalla xarunta golaha shacabka waxay iiga warrantay waxa ay hadda barakacayaashooda ku haystaan Muqdisho waxayna ii sheegtay inay ku noolyihiin xaalad aan la aqbali karin ayna soo dhaweynayaan haddii dib u dejin macquul ah loo sameynayo “laba sanno ayaan degganahay xeradaan sayidka ka hoosaysa ee baarlamaanka Soomaaliya, gargaarkaan ku helaa waa liitaa, hay’adda DRC ayaan na siisay sagaal bilod oo lacag ah, inta badanna waan iska xamaal tagnaa oo magaladda ayaan u shaqo tagnaa”ayay tiri Maryan

Maryan ayaa sheegay inay maqleen rarista laakiin aan iyaga loo imaan iyadoo sii hadlaysana waxay tiri ”Haddii ay dhacdo in nala raro, waxaa noogu muhiimsan goobaha nala geynayo amaankeenna iyo wixii nolosha aasaasi u ah, annagaba waan jecelnahay in magaladda bilicdeedu soo noqoto, waana ku dhiirri gelinaynaa taas dawladda, laakiin marna yaan la ilaawin dadkayagaan bahan”.

Xaawa xasan iyana waxay iyana ku jirtaa dadka la doonayo in Muqdisho laga raro waxana ay leedahay “dowladdu waxay nagu dayacday anagoo jogna Muqdisho suuragalna maaha in wax walba oo aan u baahannahay oo daryeel ah ay nagu siinkarto duleedyada Muqdisho haddii waxa socda aanay eheyn iska fogeyn indhaha dadka looga qarinayo”

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ah xubin baarlamaan, kana tirsan guddiga xuquuqda aadanaha ee barlamaanka Soomaaliyaa ayaa isaguna Ergo u sheegay inaysan marna sharci ahayn in dadkaan iyagoon meel ku habboon oo amaankooda iyo noloshoodaba lagu damaanad qaadi karo laga raro, wuxuuna wuxuuna ku tilmaamay erey aan wanaagsanayn hadal haynta dawladda ee barakacayaasha ayaa guddaha magalada laga nadiifinayaa, isagoona ku boorriyey in dawladda Soomaaliya ay xaq dhawrto sharciga calamiga ah ee ilaalinta barakacayaasha oo ay Dawladda Soomaaliya Kampala ku saxiixdey sanadkii 2012ka.

Tirada rasmiga ah ee xeryaha barakaca ee Muqdisho ku yaal ayaan si sax ah loo hayn, marka laga soo tago xerada Badbaado oo dawladdu gacanta ku hayso, Rajo oo dawladda Tukigu maamusho, waxaa jira xeryo ku filiqsan gudaha magalada, oo waxay degeen xarrumihii ciidanka, iskuulladii iyo badi dhismayaashii waaweynaa ee magaaladu lahayd kuwaasoo ku burburay dagaallada.

Baaritaan ay ka samaysay hay’adda laanqayrta Cas ICRC guud ahaan 16ka degmo ee Muqdisho ayaa tilmaantay inay 420 kun qof oo barakacyaal ahi ku jiraan xeryaha ku filiqsan magaalada, iyagoo ay haysato dhibaatooyin dhinaca nolosha ah, sida cuntada, biyaha, hoyga, ammaanka iyo faya dhawrkuba, ICRC ayaa intaas ku dartay in tirada dadka ku barakacsan gudaha Muqdisho hadba tiradoodu is beddelaysay.

Muqdisho ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku qaadatay labo waji oo ah in mar dadkeediiba ay colaado awgeed uga barakaceen duleeddada, markii xasilooni timidna dadkii ka barakacay iyo barakacayaal kale oo gobollada ka yimid ay isla soo galeen, iyadoo ay taasina barbar socoto qurbo joog isugu jira qoysas iyo dhalinyaraba oo dibadda ka soo laabtay, taasi waxay sababtay buux dhaaf badan oo magaalada laga dareemay, waana sababta keentay in wax leyska weydiiyo sida magaalada loo kala nafisiyaa isha ugu horreysana sida muuqata barakacayaasha ayay ku dhacday.

Yuusuf Keynaan/MH/AM

Previous Post

WABIGA SHABEELLE OO FATAHAAD KA GEYSTAY SHABEELLAHA DHEXE

Next Post

Webiga Shabeelle oo deegaanno ku fatahay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Webiga Shabeelle oo deegaanno ku fatahay

Webiga Shabeelle oo deegaanno ku fatahay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo