
Degamad Jannaale ee gobolka Shabeelleha Hoose oo qiyaastii 30 km u jirta degmada Marko ee xarunta gobolka ayaa haatan qaylo dhaan hor leh ay ka timid, iyadoo deegaanno ku dhow uu hadda webigu ku fatahay, sida uu Ergo u sheegay guddoomiyaha degmadaas Maxamed Idris Cabdi.
Guddoomiyaha oo tilmaamaya deegaannada ay fatahaaddu soo gaartay ayaa yiri “Tuulooyinka Siigaale, Malable iyo meelo ka mid ah Jannaale ayuu wabigu ku fatahay, dadka deegaanka ayaa is xilqaamay iyagoo isku dayaya inay xiraan meelaha uu qararka jabsaday wabiga.”wuxuuna intaa ku daray ee uu sheegay Idiris inuu webiga daadadka raacsiiyay dhulbeereedyo 10 hiktar ah oo ay ku yaalleen khudradda, sida basasha, yaanyada, bocorka iyo noocyo kale.
Guddoomiyaha ayaa ka codsaday dowladda Federaalka iyo hay`adaha gargaarka inay gacan ka siiyaan ka hortagga daadadka wabiga Shabeelle iyo in laga xiro moosaska webiga oo jilicsan.
Webiga Shabeelle ayaa wuxuu dhowaan fatahaado kale ka geystay tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeelleha Dhexe, isagoo burburiyay dhulbeereedyo tabcanaa oo lagu qadderay ilaa 100 hektaar.
Hay`adda QM u qaabilsan cunnada iyo beeraha ee FAO ayaa xaqiijisay in heerka biyaha wabiga Shabeelle ay kor u dhaafeen 5.00m, taasoo qarka u saaran inuu karkaarrada jabsado.
MH/FM/AM










