Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

NOLOSHA DADKA KA SHAQEEYA DHAGAXA

Radio Ergo by Radio Ergo
April 9, 2013
in Arrimaha Bulshada
0
NOLOSHA DADKA KA SHAQEEYA DHAGAXA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankShaqo la`aanta ka jirta gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa ku kalliftay dadka ku nool gobolkaas qaarkood inay qabtaan shaqooyin adag oo aysan itaal u heynin, isla markaana aysan kasoo galin nacfi ku filan noloshooda.

Xasan Axmed Colow, waa� 53 jir ku nool magaalada Gaarissa ee xarunta gobolka Waqooyi bari Kenya, wuxuu muddo 10 sano ah ka shaqeynayay qodidda dhagaxa, isagoo halkaas ka raadsada nolol maalmeedka qoyskiisa iyo lacagta uu carruurtiisa uga bixiyo iskuulka, “Markaan dhagaxa soo saarno kuma helno beec fiican, dhaqso looma iibsado mararka qaar wuxuu iska yaallayaa 10 maalmood, meel aan ku keydsanno malaha oo markaan ka hoyanno waa nalaga xadaa mararka qaar, qiimihii raashiinka oo isagana qaali ah, dhibaatooyin badan ayaan ku qabnaa dhagax qodidda.” Ayuu yiri Xasan.

Cimilada gobolka oo ah mid kulul iyo dhulka oo oomane ah, Xasan isagoo caag shanle biyo ah garabka ku wata wuxuu habeenkii u lugeeyaa meel buuro ah oo magaalada Gaarissa looga soconayo hal saac, halkaasoo isaga iyo saaxiibbadiisa ay ka qodaan dhagaxaanta yaryar iyo kuwa waaweyn ee dhismaha. Xasan waxaa gacmihiisa ka muuqday dhaawacyo kasoo gaaray qodidda dhagaxa, wuxuu sheegay inuusan heysan qalab u fududeeya qodiddooda, sidaa darteed uu gacmihiisa u isticmaalo soo saarista dhagaxaan aad u culus “Gacmaheyga waxaa sidan u galay waa biraha waaweyn ee lagu soo saaro dhagaxa kuwaasoo 5kiilo ah iyo buruska lagu jebiyo oo isagana 10kiilo ah ayaan qaadaa, waxaan u baahnaan lahayn qalab inoo fududeeya mana awoodno taas oo xooggeenna ayaan isticmaalnaa.” Ayuu mar kale yiri Xasan.

Dhanka kale, qodidda dhagaxaantaas waxaa kasoo gaara dadka ka shaqeeya nabarro culus, qaarkood ayaa u dhinta nabarradaas halka qaar kalana inta curyaan noqdeen ka fariistay shaqadaas, “Waa shaqo iska nasiib ah, mar walba waxaad ka walwaleysaa goormuu dhagaxa kugu soo dumi doonaa, waxaan aqaan qaar ka mid ah asxaabteydii oo dhagaxu curyaamiyay qaarna ay u dhinteen, danta ayaa nagu kalliftay shaqadan, intii aan shaxaad ku noolaan lahayn ayaan xoogeenna ku shaqeysaneynaa.” Xasan ayaa sidaa yiri.

Xasan ayaa sheegay in marka ay soo saaraan dhagaxaanta laga siiyo qiimo aad u jaban, halka dadka ka iibsadayna ay sii iibiyaan qiimo afar jibbaar qiimo ka badan intaas, taasoo uu sheegay inay aad uga xun yihiin ayna dhib ku qabaan, “Gaariga weyn ee dhagaxaanta lagu qaado waxaan ku iibinnaa 2,000 oo shilinka Kenya ah, gawaarileyda naga iibsadana waxay dadka uga sii iibiyaan 9,000 oo shilinka Kenya ah, haddaan diidno way naga tagayaan, taasna waa cadaalad darro, sababtoo ah qodiddiida dhib badan ayaan ka marnay.”

“Muddo bil ah ayaa laga yaabaa sidaan qorraxda u taaganahay inay isoo gasho Ksh 3,000, intaasna kuma filna biilka qoyska, wax walba waa qaali halkaan.” Ayuu Xasan yiri.

Xasan ayaa u muuqda qof ku faraxsan shaqadiisa walow uu dakhligiisu yahay mid aad u yar, wuxuuna ugu baaqay dadka kale intii ay darbiyada iyo makhaayadaha ka sheekeyn lahaayeen inay xooggooda maalaan oo aysan shaxaad ku noolaan.

Samsam Cabdikariim/FM/AM

Previous Post

Webiga Shabeelle oo deegaanno ku fatahay

Next Post

Soomaali ku xiran Suuriya

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Soomaali ku xiran Suuriya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo