Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

KUFSIGA OO AH WALAACA UGU WEYN EE KA JIRTA XERYAHA BARAKACA GAALKACYO

Radio Ergo by Radio Ergo
April 11, 2013
in Arrimaha Bulshada
0
KUFSIGA OO AH WALAACA UGU WEYN EE KA JIRTA XERYAHA BARAKACA GAALKACYO
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankTacaddiyada ugu badan ee haweenka ku barakacay gudaha dalka ay la kulmaan ayaa waxaa ka mid ah kufsiga, oo ammaan darrada ka jirta dalka awgeed usii kordhaya.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo ay ku yaallaan xerooyin barakac, waxay ka mid tahay meelaha kufsiga uu ka dhaco, heerka kufsiga magaalada Gaalkacyo ka dhaca ayaa waxaa tilmaameysa Xaawo Yuusuf oo ah madaxa laanta arrimaha kufsiga, shaqo abuurka iyo waxbarashada haweenka ee xarunta nabadda, waxbarashada iyo horumarinta GECPD ee magaalada Gaalkacyo “Sanadkan kufsiga haweenka baracakayasha loo geysto Gaalkacyo aad ayuu u sarreeyaa, sanadkan 2013ka afartiisa bilood ee ugu horreysa waxaan diwaan gelinnay 32 kiis oo kufsi ah oo lagula kacay haween barakacayaal ah oo da`doodu u dhaxeyso 70 ilaa 10jir,”

Xarunta GECPD maxay u qabataa haweenka la kulma kufsiga? Xaawo ayaa sharraxaad ka bixineys “Waxaan gabdhaha ugu horreyn siinnaa meel ay ku noolaadaan, dhaqaalo, dhanka caafimaadka, booliiska ayaan ka diwaan gelinnaa si ay u raadiyaan ninka wax kufsaday ayna cadaaladda ula tiigsadaan,”

Xaawo ayaa sheegtay in kufsiga uu badanaa ka dhaco guryaha dayacan ee aan ammaankoodu sugney, marka ay haweenka iyo gabdhaha doonanayaan xaabo, amaba ay ariga la jiraan, markey habeenkii shaqada ka baxaan iyo gabdhaha yaryar ee guryaha looga tago.

Kufsiga ayaa raadad xun ku reeba maskaxda gabadha la kufsaday, “Gabdhaha yaryar kufsigu wuxuu ku reebaa sas, halka kuwa dhalinyarada ahna ay ka qaadaan niyad jab mustaqbalkooda ah, qaarkoodna ay isaga haajiraan magaalada si ay uga baxsadaan hadalheynta bulshada, waana meel ka dhac iyo tacaddi loo geysto qof bini`aadam ah.”

Cabdi jaamac Kilinbe oo ah abukaate ayaa sheegaya in ammaan darradu ay ugu horreyso waxyaabaha sii kordhinaya kufsiga “Dadka barakacayaasha ah ee markasta la kufsanayo lana dhibaataynayo waxay xaq u leyihiin in ammaankoda la ilaaliyo, haddii kale waxaa ku imaanayo dhibaato kasta, waa la kufsanayaa, waana la jirdilayaa marka waa in loo qabtaa abukaatayaal dabagal ku sameeya dhibaatada loo geysto” Ayuu yiri abukaate kilinbe.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Maxamed Yuusuf jaamc (Tigey)
Oo ka warramayay waxa ay ka maamul ahaan ka qabteen kufsiyada ka dhaca xeryaha barakaca ee Gaalkacyo ayaa sheegay in haweenka iyo gabdhaha iyo haweenka la kufsado ay badanaa xishood dartiis soo wargelinnin booliiska, balse ay jiraan kiisas ay wax ka qabteen “Waxaa jira kiisas badan oo kufsi ah oo ay booliisku dabagal ku hayaan, rag loo soo qabtay oo la xukumayna way jiraan, waxaana ku dadaaleynaa intii karaankeenna ah inaan wax ka qabanno, waxaanse ugu baaqayaa bulshada inay booliiska kala shaqeeyaan cirribtirka kufsiga gudaha Gaalkacyo2 Ayuu yiri guddoomiyuhu.

Magaalada Gaalkacyo waxaa sanadihii ugu dambeeyay ku soo badanayey kufsiga loo geysanayo haweenka barakacayaasha ah.

Guuleed Warsame/FM/AM

Previous Post

Khasaaraha fatahaadda webiga Shabeelle oo korortay

Next Post

DHIBAATOOYINKA AY QABAAN ADEEGTOOYINKA GURYAHA

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
DHIBAATOOYINKA AY QABAAN ADEEGTOOYINKA GURYAHA

DHIBAATOOYINKA AY QABAAN ADEEGTOOYINKA GURYAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo