
“Roobabkii ayaa weli si xooggan u da`aya, taasna waxay sababtay in webigu uu fataho dhulal dhulal beereedyo hor lehna uu khasaaro u geysto, deegaanka Malable dhul beereed dhan 13 Hiktar ayuu webigu daadadka qaadsiiyay dalagyo ka baxayay, Siigaale 15 Hiktar ayuu webigu ku fatahay.”
Qoysas Lo`ley ah oo gaaraya 12 qoys, ayaa ka barakacay deegaanka Siigaale oo biyo ay fadhiyaan, sida uu guddoomiyuhu xaqiijiyay. Mar aan guddoomiyaha weydiinnay sababta dadku ay ugu diyaar garoobi waayeen fatahaadda webiga ayna u sameysan waayeen ka hortag, iyadoo ay arrintaan ay marar badan soo noqnoqoto haddana aanan wax waayo-aragnimo ah aan laga dhaxlin, wuxuuna iigu jawaabay “Ammaan darro jirta darteed ayay dadku wax u qabsan waayeen, dadku way cabsanayaan, waxaa laga baqayaa dagaallo dhaca, sidaas ayaa dadka ku kallifta ineyan si wacan ugu diyaargaroobin ka hortagga dhibaatadan oo ay iskood wax u qabsadaan cidina ayan sugin”
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamo ay isku horfadhiyaan degmada Jannaale ee gobolka Shabeelleha Hoose oo qiyaastii 30 km u jirta degmada Marko ee xarunta gobolka ay isku horfadhiyaan ciidamo, taasna ay is hortaagtay gurmadka daadadka. Wuxuu ka codsaday dowladda Federaalka iyo hay`adaha gargaarka inay gacan ka siiyaan ka hortagga daadadka wabiga Shabeelle iyo in laga xiro moosaska webiga oo jilicsan.
Saadaasha cimilada ee hay`adda QM u qaabilsan cunnada iyo beeraha FAO, mashruuceeda SWALIM ayaa tilmaameysa in la filayo in roobabku ay ka sii socdaan dhulka ku xeeran webiga Shabeelle oo ay ka mid tahay dhulka sare ee Itoobiya oo uu webigu kasoo billowdo, tanoo muujinaysa in heerka webigu kor u sii kacayo, waxayna saadaashu ka digaysaa in webigu khatar ugu jiro fatahaad dhibaato weyn geysata ay ka dhici karto, gaar ahaan meelaha qararka uu webigu ka jilicsan yahay.
MH/FM/AM










