
Adeegtooyinka guryaha Soomaaliya ku sugan ayaa qaba dhibaatooyin isku mid ah iyagoo ku sheegay lacagtay qaataan bishii inay u dhaxayso ah 700.000 sh.so ilaa 1200.000 sh.so oo u dhiganta 30 ilaa 50 dollar bishiiba, saacaddaha shaqaduna aysan lahayn wakhti u go’an, ma jirto sidoo kale maalin fasax ah sida shaqaalaha kale ugu naaloodaan fasaxyadda maalmaha todobaadka dhamaadkiisa ah.
Qamar Qaaday Caray waa hooyo 7 carruur ah leh, waxayna ka mid tahay haweenka ka shaqeeya guryaha Beledweyne “waxaan qabtaa shaqo adag, waxaan dhaqaa dharka, cuntadaan kariyaa, gurigaan hagaajiyaa, carruurtaan ilaaliyaa, suuqaan ka soo adeegtaa, waxaanan shaqeeeyaa subaxdii 5ta subaxnimo ilaa 10ka fiidnimo, mana lihi maalin aan fasax ahay”.
Qamar ayaa sheegtay in shaqadu badan tahay, waxaa ka soo galaana ay aad u yartahay, ayna hesho bishii lacag u dhiganta 30 Dollar, ayna ku keliftay duruufaha nololeed ee caruurteeda haysata.
Dhinaca kale haweeka guryaha ka shaqeeya ayaa sheegaya inay shaqoyinkaan kala kulmaan dhibaatooyin caafimaad siday sheegtay Luulay Cali Xasan oo ka mid ah adeegtooyinka guryaha “Annigoo shan bilood oo uura leh ayaan guri shaqo ka bilaabay, maalin maalmaha ka mid ah ayaan shaqeeyay waqti aad u dheer, waxaan dhaqay dhar badan, cunto karin, iyo adeeg culus oo aan ka soo iibiyey suuqa taasoo keentay in ilmihii iga dilmo, oo dhiig bax badan igu yimaaddo, ilmihiina dhiig ahaan ayuu dhamaaday markuu iga qubmayey laba todobaad, ma helin daaweyn, shaqadiina annigoo duruuftaas ku jira ayaan qabanayey oo weliba la kulmayey canaan iyo eedayn iiga imanaysay haweenayda aan u shaqaynayo.
Qamar ayaa sheegtay inay hawshaas u sii dheertahay tii carruurteeda, oo xilliga ay tagto gurigeeda ay bilowdo inay qabato wixii karaankeed ah taasina ku sii kordhiso daal badan, oo mararka qaarna isu rogta qandho.
Sida haweenka shaqooyinkaan guryaha qabtaa u sheegayaan Ergo, hawlahaan adag ka sokow waxay la kulmaan tacaddiyo ka dhan ah jinsigooda, sida kufsi iyo fara xumayn kale oo ay ku sameyaan wiilasha ama ragga kale ee guryahay ka shaqaynayaan la jooga, siday sheegtay Raxma Jaylaani oo ah gabadh 18 jir ah, qoyskooduna yahay beeralay sabool ah deganna tuuladda Xawaadley ee gobolka Hiiraan “Anniga shaqada adag ka sokow, waqti hooyadii guriga lahayd ka maqantahay, ayaa wiil ay habar yar u tahay oo la noolaa, barqadii jikadda iigu soo galay, isagoo dhowr goor oo horana iila yimid sheeko aanan rabin, wuxuuna isku dayey inuu xoog wax iiga qaato, waase qayliyey, markaasuu iga cararay, intaas kadib wuxuu bilaabay inuu hooyadii guriga igu diro isagoo u sheegaya inaan ahay qof wax khiyaanta, xaddana raashinka iyo alaabooyinka kale ee guriga, taasina waxay keentay in la iga eryo shaqada, hadda ma rabo inaan guri dambe ka shaqeeyo, waxaan bilaabay shah wareejis gudaha magaladda Beledweyne ah, wixii aan ka helana qoyskayga ayaan u diraa, inna waan biishaa, marka gabdhaha guryaha ka shaqeeya dhib ayey qabaan, mana jirto cid ka war haysaa iyo meel ay u dacwoodaan ayey raacisay hadalkeedda, iyadoo xasuus gaar ah u gashay wixii soo maray”
Haween ilaa 8 ah oo Ergo waraysatay ayaa iyagoo dhan si isku mid ah u sheegay in dhibaataddaas ka sokow loo qabsado wixii dhib ka dhaca guryaha, sida alaab la xaday, shay jabay, ama khasaare alaabeed oo kale.
Ururradda haweenka ee Beledweyne kuna lug leh wax ka qabashadda dhibaatooyinka haweenka maxay arintaan ka ogyihiin? Deeqa Maxamed Muuse waa gudoomiyaha Hiran Women Care Association iyadoo ka jawaabeysa su`aashaas waxay tiri “ dhibaatooyinkaani waa kuwo si baahsan uga jira gobolka, markii aabayaashii noqdeen kuwo shaqo la’aan ah, ayaa waxay noqotay in haweenkii ay u shaqo tagaan guryaha, ama qaad gadow, ama ganacsi yar-yar, arrimahaasna dhibaatooyin baadan ayaa haweenka ka soo gaaray, waxaan la kulanay dhibaatooyin ka dhashay arrimahaan, haweenka oo loo dhiibo shaqooyin badan oo markii haweentii qaban kari wayday ay kentay in loo diido lacagteedii, taas waxaa ka sii daran, haweenka shaqeeya oo ka soo jeeda bulshada saboolka ah una nugul in la dhibaateeyo, kiisas badan oo halkaan ka dhacay waxaan u sheegnaa qofka loo shaqaynayo inuu muujiyo naxariis, qofkaaninna uusan qaban karin shaqo baxadaan leh”
Ururkan WCA ayaa sheegay inay wax badan u sameeyeen wacyi gelin haweenka loo shaqeeyo iyo kuwa shaqeeyaba, sida in meel la isugu keeno lana doodsiiyo. “Waxaan wadaynaa wacyi gelinta si dhibtaan wax looga qabto, laakiin maadama hadda dawladdi dhalatay waxaan jeclaan lahayn in dawladdu xil iska saarto abuuritaanka xafisyo arrimahaan wax ka qaban kara” ayay tiri Deeqa.
Dhibaatadda hanaan maamul oo aan jirin ka sokow ayaysan jirin haddana sharci rasmiya oo ay ku kala bixi karaan adeegtooyinka guryaha ka shaqeeya iyo dadka loo sh aqeeyo xilliyaday is qabtaan, hay’adda shaqadda iyo shaqaalaha aduunka ee ILO ayaa 16 bishii June 2011 soo gudbisiay qaraar caalamiya tirsigiisu yahay 189 oo qeexaya xaq ay leeyihiin dadka guryaha ka shaqeeya, sharcigaan ayaa siinaya adeegtooyinka guryahay xuquuq ilaalineed iyo hab raac shaqo, uguna baaqaya dhamaan wadamada calamka inay fuliyaan, ka sokow Soomaaliya oo aan saxiixin sharcigaas, ayaa dhibaatadda ugu weyni tahay iyadoo aysan jirin hanaankii sharci fulinta oo ka maqan wadanka.
AS/MH/AM










