Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

GAADIIDLEY KA CABANEYSA ISBAAROOYINKA YAALLA WADDOOYINKA KA BAXA MUQDISHO

Radio Ergo by Radio Ergo
April 25, 2013
in Arrimaha Bulshada
0
GAADIIDLEY KA CABANEYSA ISBAAROOYINKA YAALLA WADDOOYINKA KA BAXA MUQDISHO
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWadayaasha gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho, Baydhabo, Marka iyo Jowhar ayaa ka cabanaya jidgooyooyin badan oo ciidamada dowladda ay waddooyinka dhigteen, iyagoo sheegay ine dhibaato kala kulmaan.

“Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa taako taako waddooyinka u dhigtay jidgooyooyin, mararka qaar way na garaacaan oo na jirdilaan oo rakaabkeenna ayay qalqal geliyaan, dhowr jeer ayaan cabasho uga gudbinnay balse waxba nalooma qaban.” Sidaa waxaa Ergo u sheegay mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka Muqdisho iyo Baydhabo oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

“Ugu yaraan Sh. 800,000 ayaan ku bixinnaa lacag baad ah inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo keliya, waxaana inoo sii dheer jirdil mararka qaar haddii aan lacagahaas heynin naloo geysto” Ayuu wadahaas ku cawday.

Toddobaadkan dhexdiisa mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ayaa arrintan kusoo qaaday wasiirrada gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha, kuwaasoo uu mid waliba sheegay iney xaaladdan wax ka qabanayaan.

“Waan ka warqabnaa cabashooyinka gaadiidleyda, waxaan hadda gacanta ku haynaa qorshayaal aynu kula dagaallameyno dhammaan jidgooyooyinka, annagoo kaashaneyna wasaaradda gaashaandhigga.” Sidaa waxaa baarlamaanka u sheegay wasiirka arrimaha gudaha, Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wadayaasha ayaa sheegaya in arrintan ay xitaa saameyn ku leedahay dadka rakaabka ah oo haddii lacagta isbaarada laga weydiiyo aysan heynin laga ururiyo rakaabka, haddii aan sidaa la sameynna ay rasaas oodda uga qaadayaan gaariga.

“Gawaari badan ayaa hadda ku xayiran gudaha Muqdisho, kaddib markii ay soo bateen isbaarooyinka waddada yaalla.  “Haddii ku meelgaarnimada laga baxay waxaan fileynay in dowladda ay diiradda saari doonto ammaanka shacabkeeda, balse taas ma aragno hadda.” Waxaa sidaa sheegay mid ka mid ah wadayaasha baabuurta Muqdisho iyo Jowhar.

Magaalooyinka Marka, Jowhar iyo Baydhaba waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya oo sanadkii hore kala wareegay kooxda Al shabaab, iyagoo gacan ka helaya ciidamada midowga Afrika ee AMISOM.

Nuur Cali Faarax/FM

Previous Post

Cabdicasiis Koronto: Dilkii labadaydii qareen waa mugdi soo wajahay dhibbanayaal badan

Next Post

Tallaal shaneysan oo markii ugu horreysay laga billaabayo Soomaaliya

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Tallaal shaneysan oo markii ugu horreysay laga billaabayo Soomaaliya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo