Wadayaasha gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho, Baydhabo, Marka iyo Jowhar ayaa ka cabanaya jidgooyooyin badan oo ciidamada dowladda ay waddooyinka dhigteen, iyagoo sheegay ine dhibaato kala kulmaan.
“Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa taako taako waddooyinka u dhigtay jidgooyooyin, mararka qaar way na garaacaan oo na jirdilaan oo rakaabkeenna ayay qalqal geliyaan, dhowr jeer ayaan cabasho uga gudbinnay balse waxba nalooma qaban.” Sidaa waxaa Ergo u sheegay mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka Muqdisho iyo Baydhabo oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.
“Ugu yaraan Sh. 800,000 ayaan ku bixinnaa lacag baad ah inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo keliya, waxaana inoo sii dheer jirdil mararka qaar haddii aan lacagahaas heynin naloo geysto” Ayuu wadahaas ku cawday.
Toddobaadkan dhexdiisa mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ayaa arrintan kusoo qaaday wasiirrada gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha, kuwaasoo uu mid waliba sheegay iney xaaladdan wax ka qabanayaan.
“Waan ka warqabnaa cabashooyinka gaadiidleyda, waxaan hadda gacanta ku haynaa qorshayaal aynu kula dagaallameyno dhammaan jidgooyooyinka, annagoo kaashaneyna wasaaradda gaashaandhigga.” Sidaa waxaa baarlamaanka u sheegay wasiirka arrimaha gudaha, Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Wadayaasha ayaa sheegaya in arrintan ay xitaa saameyn ku leedahay dadka rakaabka ah oo haddii lacagta isbaarada laga weydiiyo aysan heynin laga ururiyo rakaabka, haddii aan sidaa la sameynna ay rasaas oodda uga qaadayaan gaariga.
“Gawaari badan ayaa hadda ku xayiran gudaha Muqdisho, kaddib markii ay soo bateen isbaarooyinka waddada yaalla. “Haddii ku meelgaarnimada laga baxay waxaan fileynay in dowladda ay diiradda saari doonto ammaanka shacabkeeda, balse taas ma aragno hadda.” Waxaa sidaa sheegay mid ka mid ah wadayaasha baabuurta Muqdisho iyo Jowhar.
Magaalooyinka Marka, Jowhar iyo Baydhaba waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya oo sanadkii hore kala wareegay kooxda Al shabaab, iyagoo gacan ka helaya ciidamada midowga Afrika ee AMISOM.
Nuur Cali Faarax/FM