Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cabdicasiis Koronto: Dilkii labadaydii qareen waa mugdi soo wajahay dhibbanayaal badan

admin by admin
April 24, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWeerarradii is miidaaminta ahaa ee lagu soo qaaday maxkamadda sare ee magaalda Muqdisho 14kii bishan Abriil 2013 ayaa sida la og yahay waxaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay labada qareen ee kala ahaa Prof Maxamed Maxamuud Afrax iyo Doctor Cabdicasiis Xasan Gorod. Labadan qareen ayaa ahaa kuwii u doodayay Cabdicassiis Ibraahim Koronto  oo ahaa weriye u soo warrama idaacadda Ergo oo loo xiray inuu wareystay haweeney ku cabatay iney kufsadeen rag ku labbisan direyska askarta dawladda iyoLuul Cali Cosmaan oo loo haystay iney ka been abuurtay sheekdada kufsiga.

Labada qareen ayaa kaalin mug leh ka qaatay sidii loo sii deyn lahaa labadan dhibbane iyadoona ay jirtay cadaadis kale ee ka imanayay hay`adaha caalamka ee u dooda xuquuqda bani`aadamka. Haddaba Cabdicasiis ayaa uga sheekeeyay radio Ergo sida uu uga tiiraanyooday dilkii loo geystay qareennadaas ee uu ku tilmaamay iney tahay mugdi soo wajahay dhibbanayaal badan. Cabdicasiis wuxuu sheekadiisa ku bilaabay:

“Anniga lixdan iyo lix maalmood ayaan xabsi ku jiray, horay weligay la iima xirin, waxaanan wakhtigaas ka soo maray xaalado adag, waxaanse ugu dambayn helay xoriyadaydii, waxaanan u mahad celinayaa dhamaan qaybihii kala duwanaa ee ka qayb qaatay sii dayntaydii, inta nool iyo intii dhimatay oo ay ka mid yihiin labadaydii qareen ee dhacdadii xanuunka badnayd lagu dilay.

Labadaan qareen xasuus weyn ayey igu leeyihiin, markaan xasuustana dareen gaar ah ayaan galaa, shakhsiyadoodu runtii aad baan ula dhacsanaa, siday ula macaamilaan qof xiran, xabsi aanan xushmo ku lahayn oo ay u muujiyaan qadarin,  dadaalkay siiyaan dadka xiran iyo sidii ay u heli lahaayeen xaqa sharci ee dadkaas xirani leeyihiin.

Intaan la i xirin labadaan qareen aqoon durugsan uma lahayn, keliya marar aan warar u doonto ayaan u tegi jiray, waxaanse aad u bartay intii ay ii noqdeen wakiilo i difaaca, todobaad kasta laba goor ayey xabsi iigu imaan jireen intaan xiranahay, waxayna ii dejin jireen qalbiga, waxyaabaha ay igu imaan jireenna waxaa ugu weynaa inay i siiyaan dhiiri gelin miskaxeed, waxay ahaayeen dad faraxsan markay ii imaanayaan, ereyaday i dhihi jireenna waxaa ka mid ahaa samir, xaq darro ayaad u xiran tahay waana lagu sii deyn doonaa.
Arrinta aanan marna ilaaweyn ayaa ahayd, markii cudurka shubanku ka dilaacay xabsiga

Muqdisho oo saxadiisu liidato, side ku qiyaasi lahayd inay tahay nadaafad iyo xanaanno la siiyo xabsi ku yaal magaallo dagaallo ay burburiyeen in ka badan 20 sanno, oo aan lahayn hab biyo, hanaan caafimaad iyo nadaafad hagaagsan, xabsiga magaalo sidaas ah ku sii yaalna waad dareemi kartaa intuu heli karo faya qab wanaagsan.

Markii cudurka shubanku ka dilaacay xabsiga waxay noqotay cabsidii iigu badnayd ee isoo wajahda, maxaabiistii cudurkii si tarab tarab ah ayuu u soo ridanayaa, waxaan samayno ma naqaan, qof kastaa xabad ORS ah ayaa la siiyey oo uu isku difaaco, haddii shuban ku soo bood ahi haleelo, iyadoo xaladda cudurku sidaas tahay ayaa goor fiid ah oo saacadana aan ku qiyaasay ilaa 8:00 fiidno iyo waxoogaa daqiiqaddo ah wiilkii aan ku saaxiibnay xabsiga oo qolka igula jiray bilaabay shuban, weliba si daran, ORStiisii ayaan siiyey, wuuna dhamaystay, taydiina waan ugu daray sidaas baanan habeenkii oo dhan ula tacaalayey iyadoo goobtu mugdi tahay, shubanka saxiibkayna meel kasta dadsan yahay, ay naga dhamaatayna wixii aan isku difaaci lahayn ee ORSta ahayd, anniguna is leeyahay goormaad bilaabi doontaa,  cidina aysan kuu soo baxayn, markii waagu beryeyna ilaaladii ayaan u sheegay gacanna siiyey, inkastoo xaaladdaha shuban ee xabsiga ka dilaacay aan u arkay inaan talaabaddii hagaagsanayd lagula tacaaliin oo lala daahay haddana waxbay u qabteen.

Qareennadaydii subaxii ayey ii yimaadeen annigoo qaba cabsidii shubanka, runtiina waxay ahaayeen geesiyaal i siiyey adkaysi dhinac kasta, ka sokow qareenadaan kiiskayga waxaa jira boqolaal qof oo kale oo ay gacanta ku hayeen kiisaskoodda, markastana iyaga sugayey xitaa anniga sii dayntaydii kadib, qareenaddu waxay difaacayeen xitaa dhalinyaro ku eedaysan Alshabaab oo ay lahaayeen waa in la keenaa cadaymo.

Dhimashadooduna waxay u noqonaysaa boqollaal ku jira xabsiyadda habeen madow oo soo wajahay, waayo Muqdisho in laga helo qareenno sidaas oo kale ah aad bay wakhtigaan u adagtahay, wadanka kama soo bixin sharci yaqaanno muddo dheer, kuwii horena waa gaboobeen, dhinteen ama ka baxeen wadanka, dadka dilayna waxay goob banana dhigeen dhibanayaal  isugu jira shicib iyo kooxo ku eedaysan inay ka tirsan yihiin dadka qaaday weerarkaan.

Koronto ayaa sidoo kale sheegay inay warfidiyeennada Soomaaliyeed yihiin geesiyaal  leh aqoon inta aan isleeyahay way tebinayaan dhibaatooyinka iyo dhacdooyinka murugada badan ee dadkooda haysta, isqarxinta, kufsiga, barakicinta iyo dhamaan dhibaatadda dhinacyadda badan leh, anniga xarrigaygiina u malayn maayo inay wax u dhimayso warfidiyeennadda inay gutaan waajib qaran oo saran”

Cabdicasiis Koranto ayaa ugu dambayn u mahad celiyey beesha calamka oo cadaadis iyo juhdi aan kala har lahayn ku bixiyey sii deyntiisii iyo inay taageeraan warbaahinta Soomaaliya iyo dadka ku shaqeeya xilli lagu hayo dil, xarig, handadaad iyagoon weliba haysan qalab, xirfad wanaagsan iyo deegaan nabdoon oo ay ku shaqeyaan.

MH/AM

 

Previous Post

QOYSAS ISAGA GUURAY XAAFADAHA WEBIGA KA AGDHOW EE MAGAALADA BELEDWEYNE

Next Post

GAADIIDLEY KA CABANEYSA ISBAAROOYINKA YAALLA WADDOOYINKA KA BAXA MUQDISHO

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
Next Post
GAADIIDLEY KA CABANEYSA ISBAAROOYINKA YAALLA WADDOOYINKA KA BAXA MUQDISHO

GAADIIDLEY KA CABANEYSA ISBAAROOYINKA YAALLA WADDOOYINKA KA BAXA MUQDISHO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-MAY-2026

IDAACADDA 22-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo