
Qoysas tiradooda gaaraya 300 ayaa toddobaadkan dhexdiisa kasoo guuray xaafado ku dhow webiga jiinkiisa, dhulalka hoose iyo kuwa ku yaalla hareeraha togagga biyaha kasoo qaada webiga, sida xaafadaha Xaawo taako, Laabdheere, Shaah macaan iyo Dhagax jebis, kuwaasoo ah biyo mareenno kuna yaalla hareeraha webiga Shabeelle, waxayna soo degeen xaafadaha kale ee magaalada Beledweyne, iyagoo ka baxsanaya khatarta fatahaadda webiga oo roobabka Guga ee haatan da`aya ay buux dhaafiyeen.
Abuukar Isaaq oo ka mid ah odayaasha xaafadda Xaawo taako oo ka mid ah xaafadaha ku dhow webiga Shabeelle ayaa sheegay in beeraha ku yaalla xaafaddaas qaarkood ay biyo dhex yaallaan, isla markaana ay aad uga cabsi qabaan in webigu fataho, sidaa darteedna ay naftooda u baqayaan.
“Waxaan aragnay in maalinba maalinta ka dambeysa ay soo badanayaan biyaha webiga, sidaa darteed waxaan ka baqnay in xilli habeen ah uu webigu nagu soo fataho, taasoo khatar ah, sidaa darteed ayaan uga soo guurnay xaafaddeenna.” Sidaa waxaa Ergo u sheegtay Xaliimo Cadeys oo iyada iyo qoyskeedaba kasoo guuray gurigooda oo ku yaallay hareeraha keliga Dhagax jebis ee xaafadda Xaawo taako.
“Sanadkii hore habeen madow annagoo jiifna ayay daadad nasoo galeen, guryaheennii dhan daadkaa qaaday, nafteenna ayaan u baxsannay oo shaqaalaha samafalka ayaa ina caawiyay, inteysan taas oo kale nagu dhicin ayaan isaga guurnay gurigeenna.” Xaliimo ayaa mar kale tiri.
Dadkan ayaa xusuusta fatahaaddii webiga Shabeelle uu xilli habeennimo ah ka geystay magaalada Beledweyne 28kii September ee sanadkii hore, kaddib markii roobab xooggan oo ka da`ay magaalada ay sababeen in webiga uu qararka jabsado, kuwaasoo daadadka raacsiiyay guryo ay dad degganaayeen, barakiciyay boqollaal qoysas, isla markaana burburiyay dhulbeereedyo baaxad leh.
Cabdullaahi Salaad/FM









