
Xaakimka maxkamadda sare Caydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf ayaa sheegay in kiiska wariye Cabdicasiis Cabdinuur Koronto meesha laga saaray, xorriyaddiisana dib loogu soo celiyay.
Cabdicasiis iyo haweeneyda uu wareystay ee sheegatay in la kufsaday ayaa labadoodana lagu xukumay min hal sano oo xarig ah bishii Febraayo, iyagoo lagu eedeeyay inay meel uga dhaceen sumcadda ciidamada dalka, taasoo si weyn caalamka looga cambaareeyay. Horraantii bishan ayaase la sii daayay haweeneyda la kufsaday oo lagau magacaabo Luul Cali Cusmaan, halka Cabdicasiisna laga yareeyay muddada loogana dhigay 6bilood oo xarig ah.
Weriye Cabdicasiis Cabdinuur oo la shaqeynayay Raadiyo Ergo iyo idaacadda Dalsan ayaa la sii daayay kadib markii lagu waayay dembiyadii lagu soo oogay, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Cabdulqaadir Maxamed Muuse.
Yuusuf Keynaan/FM










