
Dar-xumida deegaanka Puntland waxay welwel xoog leh ku haysaa dadweynaha, arrintu waxay khatar gelineysaa deegaanka iyo dhaqaalaha maxalliga ah kaasoo si weyn ugu tiirsan xoolaha iyo howlaha reer-miyiga saameynna ku leh dhul ballaaran oo qayb ahaan ay ka baxaan cows iyo geedo sida badan loo isticmaalo daaqsi xoolaad oo ballaaran. Khataraha cimillada, maqnaashaha maamul wax gal ah iyo wax-soo-saarka dhuxusha (Walow la joojiyey 2002kii) waxay dedejiyeen dar-xumida dhulka. Waana arrintaas sababteeda in Midowga Yurub u go’aansado inuu maalgeliyo barnaamji weyn oo dabooli doona dhammaan dhul-daaqsinka Puntland muddo 4 sanadood ah, ayaa lagu sheegay warbixin uu soo saaray Midowga Yurub.
Lacag dhan 25 milyan oo yuuro ah ayuu Midowga Yurub ku bixin doonaa sidii loo yareyn lahaa nabaad-guurka meertada ah, iyadoo laga taageerayo maamulka Puntland maamulid wax gal ah ee dhul-qaasinka iyo in lagu awood siiyo 120 bulshooyinka gobolka sidii ay u heli lahaayeen kala-mudnaan-siinta dhowrista khayraadka dabiiciga ah ee dhulkooda.
Qorshahan cusub oo ay fulin doonaan CARE iyo ADESO waxay u abuuri doonaan dadka reer miyiga ah fursado shaqooyin kale oo ay ku jirto dib-u- soo nooleynta dhaqaale ku salaysan dhul-daaqa iyo howlaha “Lacag shaqo ku beddelasho”. Intaa waxaa dheer, barnaamijka oo wajihi doona arrinka ku saabsan isticmaalka dhuxusha ee dhulka magaalooyinka, isagoo ka saacidi doona isticmaalka ila kala duwan ee shidaal wax lagu karsado (LPG).
Barnaamijka Midowga Yurub wuxuu qayb ka yahay qorshaha Midowga Yurub ee dunida oo dhan ah ee lagu doonayo in lagu hagaajiyo ujeeddooyinka horumarineed ee Kuleyda (MDG). Qorhshaan wuxuu si gaar ah gacan uga geesan doonaa MGD1 Soomaaliya ee lagu cirribtiraayo faqriga iyo baahida adag iyo MDG7 ee lagu sugayo is-wedidda deegaaneed.










