Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

PUNTLAND OO QABATAY CARRUUR LAGA GANACSANAYAY

Radio Ergo by Radio Ergo
March 26, 2013
in Arrimaha Bulshada
0
PUNTLAND OO QABATAY CARRUUR LAGA GANACSANAYAY
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBooliska Puntland ayaa 5 carruur ku qabtay  kontoralka magaalada Qardho dabayaaqadii toddobaadkii hore,  kawaasoo la tuhunsan yahay in loo waday ganacsi, waxayna booliisku arrintaas u qabteen laba nin oo iyagu carruurtaas safrinayay.

Sida uu idaacadda Ergo u sheegay Xuseen Xasan oo ah sarkaal ka tirsan xafiiska hay`adda IOM ee Soomaaliya carruurtan ayaa waxay da’doodu u dhaxaysaa 5 sano ilaa  14 sano,  dhammaantoodna waa  gabdho.

Shantan carruur  iyo labadaas nin oo la socday ayaa markii dambe waxaa la wareegay laamaha dambi baarista ee maamulka Puntland, kuwaasoo si toos ah u xaqiijiyay in carruurtan ay yihiin dad la doonayey in laga ganacsado, isla markaasna qoysaskoodii looga  soo kaxeeyey in  laga shaqaalaysiinayo magaalada Boosaaso.

Wasaaradda haweenka Puntland ayaa lagu wareejiyay gacanta ku haynta carruurta iyadoo la dejiyey guri ku yaalla magaalada Garoowe si halkaas loogu xannaaneeyo, iyadoo  kaashanaysa hay`adda muhaajiriinta  caalamiga ah ee IOM.

Cabduqaadir Yuusuf Daahir oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda haweenka ee Puntland ayaa idaacadda Ergo u sheegay  inay carruurta xaaladdoodu caafimaad tahay mid wanaagsan, ayna xannaanaynayaan inta dib loola mideynayo qoysaskooda.

Xuseen Xasan oo ah saraal ka tirsan Hay`adda IOM oo isna Ergo la hadlay ayaa xaqiijiyey inay hay`addadoodu ogaatay in carruurtan laga ganacsanayay ka dib baarista ay sameeyeen  laamaha Amniga oo arrintaasi u kuur galay iyo khubarro ka tirsan  Hay`addooda.

Xuseen Xasan ayaa sheegay in hay`adda isku xirta qoysaska kala lumay ay la kaashanayaan sidii carruurtan dib loola mideyn lahaa qoysaskooda, oo uu sheegay inay ogaadeen inay ku nool yihiin  deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe  ee dalka Soomaaliya.

Sarkaalkan ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay ka jiraan kiisaska ka ganacsiga dadka iyo dhoofinta sharci darrada ah, wuxuuna tilmaamay in maamulka Puntland iyo hay`adda IOM ay si wadajir ah uga wada shaqeynayaan mashaariic  lagu tababarayo laamaha ay arrimahan khuseeyaan si wax looga qabto.

Carruurta ku nool Soomaaliya ayaa qaba halis noocyo badan isugu jirta oo ka dhalatay dagaallada, barakaca, saboolnimo iyo xanuunno.

Cabdiraxmaan Xaaji/ MG//FM/AM

Previous Post

BIYO YARAAN IYO KULEYL SAAMEEYAY REER MIYIGA HIIRAAN

Next Post

BARASHADA HIDDAHA IYO DHAQANKA SOOMAALIDA

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
BARASHADA HIDDAHA IYO DHAQANKA SOOMAALIDA

BARASHADA HIDDAHA IYO DHAQANKA SOOMAALIDA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo