Biyo yaraan iyo cimilada oo aad u kulul ayaa sababtay in dadka reer miyiga ah ee gobolka Hiiraan ay dareemaan saansaan abaareed, taasoo xoolo dhaqatada qaar ku qasabtay inay deegaannadoodii ka barakacaan.
Reer miyigan oo aan tiradooda la aqoon ayaa sida ay idaacadda Ergo ugu warrameen qaar kamid ah waxay kamid yihiin dadka xoolaha ku dhaqda dhulka buuralleyda ah ee ka baxsan agagaaarka webiga Shabeelle, islamarkaana aan lahayn ceelasha biyaha laga cabo.
Sida ay ugu warrameen idaacaddan Ergo dadka reer miyiga ah oo aan qaarkood kula hadalnay iyagoo safarro keensaday suuqa magaalada Beledweyne, waxaa cimiladan xilligan oo kale ee bishan Maarso ay ku riixdaa dad badan oo xoolo dhaqata ah inay xoolahooda ula guuraan dacallada webiga Shabeelle.
Deegaannada ay dadku biyo la`aanta uga barakacayaan ayaa waxaa kamid ah Qorrax, Baardheere, Xuuble, Geyinsaar, Yabaaryaale ,Galxamur, Afar-irdood iyo kuwo kale. Aadan Cilmi Odawaa wuxuu ka mid yahay dadka xoola dhaqatada ah ee ay dhibaatadani saamaysay wuxuu sheegayaa in xilligan dhulka uu leeyahay caws, balse ay la dhibaatoonayaan kaldambeedka waqtiga jiilaalka oo dadkii iyo xoolahaba saameeyay.
“Meeshii 9:00am ama 10:00am barkhannimo aan aroorin jirney xoolaheenna waxaan aroorinnaa 4:30am ilaa 5:00am habeennimo ee waaberiga ah, innagoo u aroorineyna hellooyinka Heello-bacaad, Dhoqor, Baarreey,Hello-buulo iyo Dhagaxyaweeyn, hadba meeshii daaqsin aan u aadno ee biyo noogu dhaw.” Ayuu yiri Aadan.
Qiimaha la kala siisto barmiilka biyaha ayaa sare uga kacay deegaannada miyiga, waxaana halkii markii hore uu ka ahaa 30.000 oo shilin Soomaali uu hadda marayo 50.000.sh.
Marka laga soo tago kuwa iyagu awooda inay helaan biyo waxaa jira in deegaannada qaar aysan xitaa dadku u suurtagelin inay helaan biyo ay iibsan karaan.
Inta badan xilli sanadeedkan bilaha Maarso ilaa Mey ayaa waxaa dhul badan oo Soomaaliya ah ay cimiladu noqotaa mid aad u kulul.
Abdullahi Salad/MG/FM










