
Xarunta SOCSO ayaa waxaa dhalinyarada lagu baraa in badan oo ka mid ah dhaqamada gaarka u ah dadka Soomaaliyeed sida ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo dhowr nooc u kala baxa, cuntooyinka, agabkii ay isticmaali jireen Soomaalida reer miyiga ahayd iyo dharkii ay xiran jireen.
Xuseen Cabdulqaadir Maxamed oo ah guddoomiyaha xaruntan ayaa inoo sharxaya noocyada ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ay baraan dhalinyarada u timaada “Waxa ugu muhiimsan ee aan dhalinyarada barno oo ay naga codsadaan waxaa weeye ciyaar-dhaqameedyada oo gobolba ciyaar goonni ah laga ciyaaro sida Saylicida oo sida magacaba laga garan karo laga ciyaaro degmada Seylac ee gobolka Awdal, Dhaantada oo galbeedka laga ciyaaro, Hirwada iyo Jaflada oo bariga ah, Batarka oo bariga iyo galbeedkaba laga ciyaaro oo middiiba qeybo badan usii kala baxda.”
Sida uu Xuseen sheegay waxay kaloo dhalinyarada baraan agabkii ay Soomaalidu dhaqan ahaan u lahayd oo ay ka mid yihiin fandhaalka, kalfeedh, xeerada, dhiillo, toobte, xaarin, kurbin, gaawaha, dambiisha, masafta iyo kuwo kale oo qurux badan oo ay muddo dheer isku howleen soo ururintooda. Ma ahan keliya Soomaali dadka xaruntaas u daawasho taga ee waxaa mararka qaar yimaada dad ajaanib ah oo doonaya inay wax ka ogaadaan dhaqamada Soomaalida.
Dhalinyaro rag iyo dumar isugu jiray oo si qurux badan u ciyaarayay ciyaarta Seylicida oo jiibta iyo jaantaba isla helayay ayaa ragga waxay ku luqeynayeen ;..Waan ku daydayayaayee Deeqaay dow makaa helayaayee Deeqaay…halka habluhuna ay ugu jiibanayeen ;…Waan ku doon doonayaayee Deeqoow dow makaa helayaayee Deeqoow;.
Xamdi oo ka mid ahayd dhalinyaradaas ayaa sheegtay “Sanadkii 2008dii ayaan xaruntan imid, waxaana ka bartay sida loo ciyaaro ciyaaro dhaqameed badan oo weligey aan jeclaa inaan barto, waxayna xaruntan ii rumeysay riyadeyda.”
Dhalinyarada ka timid qurbaha oo qaarkoodba halkaas ku dhashay kuna barbaaray ayaa aad ula cajabay xarunta hiddaha iyo dhaqanka ee SOCSO, iyagoo sheegay inaysan markii hore waxba ka aqoon dhaqankooda haddase ay wax badan ka barteen, “Waxaan bartay dhaqankeenna, faa`iidada kale ee ay halkan leedahay waxaa ka mid ah maskaxda ayaa lagu leyliyaa oo markaad soo gasho waxaa ku qaadaya dareenka cayaaraha hablaha iyo ragga ay isku jiibanayaan waxaadna ilaaweysaa fekerkii iyo walwalkii ku hayay.” Sidaa waxaa yiri Khaalid Xasan Aadan.
Xuseen Cabdulqaadir ayaa wuxuu sheegay in sidoo kale ay aad uga qeyb qaataan ka wacyi gelinta bulshada waxyaabaha halista ku ah sida, gudniinka fircooniga ah, fayraska HIV, tahriibka, guurka gabdhaha da`da yar iyo tacaddiyada loo geysto haweenka iyagoo u maraya qaab madadaalo iyo riwaayado ah.
Xaliimo Cabdullaahi Cali/MG/FM










