Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

BARASHADA HIDDAHA IYO DHAQANKA SOOMAALIDA

Radio Ergo by Radio Ergo
March 27, 2013
in Arrimaha Bulshada
0
BARASHADA HIDDAHA IYO DHAQANKA SOOMAALIDA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMagaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa waxaa ka furan xarun dhalinyarada qurbaha ka yimid  iyo kuwa gudaha dalka joogaba lagu baro dhaqamada Soomaalida, taasoo ay dhalinyaro badan u yimaadaan sidii ay u baran lahaayeen dhaqankooda.

Xarunta SOCSO ayaa waxaa dhalinyarada lagu baraa in badan oo ka mid ah dhaqamada gaarka u ah dadka Soomaaliyeed  sida ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo dhowr nooc u kala baxa, cuntooyinka, agabkii ay isticmaali jireen Soomaalida reer miyiga ahayd iyo dharkii ay xiran jireen.

Xuseen Cabdulqaadir Maxamed oo ah guddoomiyaha xaruntan ayaa inoo sharxaya noocyada ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ay baraan dhalinyarada u timaada “Waxa ugu muhiimsan ee aan dhalinyarada barno oo ay naga codsadaan waxaa  weeye ciyaar-dhaqameedyada oo gobolba ciyaar goonni ah laga ciyaaro sida Saylicida oo sida magacaba laga garan karo laga ciyaaro degmada Seylac ee gobolka Awdal, Dhaantada oo galbeedka laga ciyaaro, Hirwada iyo Jaflada oo bariga ah, Batarka oo bariga  iyo galbeedkaba laga ciyaaro oo middiiba qeybo badan usii kala baxda.”

Sida uu Xuseen sheegay waxay kaloo dhalinyarada baraan agabkii ay Soomaalidu dhaqan ahaan u lahayd oo ay ka mid yihiin fandhaalka, kalfeedh, xeerada, dhiillo, toobte, xaarin, kurbin, gaawaha, dambiisha, masafta iyo kuwo kale oo qurux badan oo ay muddo dheer isku howleen soo ururintooda. Ma ahan keliya Soomaali dadka xaruntaas u daawasho taga ee waxaa mararka qaar yimaada dad ajaanib ah oo doonaya inay wax ka ogaadaan dhaqamada Soomaalida.

Dhalinyaro rag iyo dumar isugu jiray oo si qurux badan u ciyaarayay ciyaarta Seylicida oo jiibta iyo jaantaba isla helayay ayaa ragga waxay ku luqeynayeen ;..Waan ku daydayayaayee Deeqaay dow makaa helayaayee Deeqaay…halka habluhuna ay ugu jiibanayeen ;…Waan ku doon doonayaayee Deeqoow dow makaa helayaayee Deeqoow;.

Xamdi oo ka mid ahayd dhalinyaradaas ayaa sheegtay “Sanadkii 2008dii ayaan xaruntan imid, waxaana ka bartay sida loo ciyaaro ciyaaro dhaqameed badan oo weligey aan jeclaa inaan barto, waxayna xaruntan ii rumeysay riyadeyda.”

Dhalinyarada ka timid qurbaha oo qaarkoodba halkaas ku dhashay kuna barbaaray ayaa aad ula cajabay xarunta hiddaha iyo dhaqanka ee SOCSO, iyagoo sheegay inaysan markii hore waxba ka aqoon dhaqankooda haddase ay wax badan ka barteen, “Waxaan bartay dhaqankeenna, faa`iidada kale ee ay halkan leedahay waxaa ka mid ah maskaxda ayaa lagu leyliyaa oo markaad soo gasho waxaa ku qaadaya dareenka cayaaraha hablaha iyo ragga ay isku jiibanayaan waxaadna ilaaweysaa fekerkii iyo walwalkii ku hayay.” Sidaa waxaa yiri Khaalid Xasan Aadan.

Xuseen Cabdulqaadir ayaa wuxuu sheegay in sidoo kale ay aad uga qeyb qaataan ka wacyi gelinta bulshada waxyaabaha halista ku ah sida, gudniinka fircooniga ah, fayraska HIV, tahriibka, guurka gabdhaha da`da yar iyo tacaddiyada loo geysto haweenka iyagoo u maraya qaab madadaalo iyo riwaayado ah.

Xaliimo Cabdullaahi Cali/MG/FM

Previous Post

PUNTLAND OO QABATAY CARRUUR LAGA GANACSANAYAY

Next Post

DADAALKA SHAQADA EE HAWEENKA XERYAHA QAXOOTIGA

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
DADAALKA SHAQADA EE HAWEENKA XERYAHA QAXOOTIGA

DADAALKA SHAQADA EE HAWEENKA XERYAHA QAXOOTIGA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo