Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab kuna yaal waqooyi bari Kenya ayaa waxaa ku nool dad ka badan 500,000 oo qof oo Soomaali u badan, duruufaha ammaan iyo nololeed oo adag ayaana ah waxyaabaha dhibaatada ku ahaya hab nololeedkooda, haddaba iyadoo tani ay jirto ayaa waxaa jira hooyooyin isku xilqaamay sidii ay u abuuran lahaayeen hannaan dhaqaale, iyagoo ahaa markoodii horena kuwo fara maran kadibna sameeyey goobo ganacsi oo iyagu ay leeyihiin.
Raxmo Aadan Maxamed waa hooyo haysata seddex carruur ah, hadda waxay leedahay saddex goobood oo ganacsi, waxay Ergo uga sheekaysay siday ku billowday abuuritaanka xirfad dhaqaale sameyn, xilli ay ku jirto xero qaxooti oo dhaqaale uusan ka soo gelin, keliyana ay hesho wax xoogaa raashin ah oo hay’adaha gargaarku ka bixiyaan xerada Ifo oo ay hadda ku nooshahay.
Waxay sheegtay in markii hore ay noloshu ku adkayd, intaysan la iman hindisaha ay ku abuuranayso dhaqaale ayey sheegtay in raashinka ay ka hesho hay’adaha gargaarka oo aad u kooban uusan ku filnayn qoyskeeda, taasina ay ku qasabtay inay sameyso dadaal ay ku abuurayso meel uu ka soo galo dhaqaale.
“Waxaan ka soo qaxay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose sanadkii 2007dii, anigoo wax xoogaa aan buurnayn ka aqaannay habka qurxinta haweenka, kadib gurigayga ayaan ku billaabay inaan gabdho ku nool qaxootiga ugu adeego habka saarista cillaanka iyo qurxinta, halka qaar kalena ay iga codsadeen inaan wax ka baro anigoo ka qaadaya wax xoogaa khidmad ah,” ayay tiri Raxmo.
Marka ay timaaddo lacag keydsashada dhibaato ayay kala kulantay Raxmo, iyadoo sheegtay in xerooyinka qaxootiga aysan lahaan jirin xilligaas meelo ammaan ah oo lacagaha la dhigto, iyadoo ay jireen kooxo hubaysan oo waqtiyada habeenkii dhac u geysta dadka, “Daasad kuwa caano booraha lagu keeno ayaan ku guray, kadibna hog yar ayaan meel buushka aan degganahay geeskiisa ah uga qoday kuna duugay, anigoo xilliga habeenkii ee la kala seexdo kala qorsheysto waxaan maalintaas soo helay, waxaan ku dadaalay inaan baahi kastoo aan qabo aanan isticmaalin lacagtaas,” ayay hadalkeeda raacisay.
Muddo bil ah kadib ayay Raxmo u uruurtay qaddar lacag ah oo dhan qiyaastii $ 250, iyadoo markaas ku fekertay habab kale oo ganacsigeeda ay ku horumarinayso, “Marba marka ka dambeysa waxaan ahaa mid ku filan nolosha ilaa xad odaygaygana markaas mahayn wax shaqo ah, waxaanan ku dhiirri geliyey inuu iga kaalmeeyo sidii aan ku furan lahaa goob haweenka lagu qurxiyo oo ganacsi ah, maaddaama aan xoogaa lacag ah ka urursaday shaqada aan guriga ku qabanayey.” Ayay Raxmo tiri.
Raxmo oo xilliga ay Ergo u warrameysay dhex fadhiday mid ka mid ah gobaheeda ganacsi e oo ku taal xerada Ifo ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay horumarka ay maanta gaartay, waxy sidoo kale hadda bulshada qaoxotiga u qabataa howlo kale oo badan, hablaha ayey kula talisaa siday u abuuran lahaayeen xirfado ay kula soo baxaan dhaqaale ay ku daboolaan baahiyahooda, iyadoo goob ka mid ah meheradaheeda hablaha ku tababarta xirfadda cillaan saarka.
Raxmo waxay leedahay saddex meheradood oo laba tahay kuwa haweenka lagu qurxiyo iyo goob dahabka iyo alaabooyinka kale ee haweenku xirtaan lagu iibiyo, waxayna sheegtay inay hadda u shaqeeyaan dad ka badan 8 qof.
FL/MH/FM










