
Waxaase jira dhibaato aan hoos loo eegin oo ay qabaan dadka la socda hannaanka tacliin iyo horumar ee Soomaaliya, waxbarashada sare ee Jaamacadaha ayaa hadda ah awood si baaxad leh ugu koraysa dhammaan gobollada waddanka gaar ahaan Muqdisho, waxaase meesha ka maqan barashada qaar ka mid ah cilmiyada oo aasaasi u ah nolosha Soomaalida waxaana ka mid ah xoolaha iyo beeraha, iyadoo ardayda iyo jaamacadaha labaduba aysan tixgelin weyn siinin barashada cilmiyadan.
Pro. Maxamed Xasan Maxamuud Buube oo ahaa macallin cilmiga xoolaha ka dhiga machad lagu barto culuumta xoolaha ee Muqdisho ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin xoolo raacato, cilmiga xoolaha oo ah sidii horumarin loogu samayn lahaa habka loo dhaqdo iyo tayeynta caanaha, hilibka iyo macaluumaad kale oo ka badan uu waqtigaan meesha ka maqan yahay. Buuble ayaa sheegay inay aad u yartahay inuu arko ardayda jaamacadaha Muqdisho oo baranaysa macluumaadka la xiriira xoolaha iyo beerha Soomaaliya.
Cabdullaahi Isxaaq oo isna ah arday ka barta maamulka maarraynta jaamacadda Horseed ee Muqdisho ku taal ayaa Ergo u sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho ay jecel yihiin inay bartaan arrimaha xisaabaadka, maamulka iyo farsamada casriga ah ee tiknoolajiyada, kuwaanoo ay aaminsan yihiin inay waxbarasho dhow yihiin oo uu danihiisa ku gaarayo, dhalinyaradu waxay aminsan yihiin in cilmiga beeraha iyo xoolaha aysan markaan u arkayn dan ama aysan shaqo ku helayn, maaddaama ay aaminsan yihiin in hannaankii dawladeed iyo wasaraadihii ku hawlanaa arrimahaani aysan tamar badan lahayn, waxa hadda la bartana waa arrimo ay u arkaan inay shaqo ku helayaan.
Hibo Aadan oo iyana ah gabadh barata aqoonta xisaabaadka ayaa sheegtay in aan la dareensanayn dhinacaan, laakiin ay jiraan dad ka aaminsan in xoolaha iyo beeraha barashadoodu u jiidayso dhinaca xoolo dhaqatada aysanna taas hadda diyaar u ahayn, taasina tahay arrin kale oo aan dhiirri gelinayn barashada aqoontaan.
Pro. Shaaciye oo isagu ka mid ahaa macallimiintii jaamacaddii beeraha ee Soomaaliya ayaa Ergo u sheegay in kulliyaddii beeraha ee waddanka la furay 1971kii, ayna sanadkasta soo saari jirtey ku dhowaad 40 aqoonyahan beerood oo wax ka qaban jiray arrimaha horumarinta beeraha iyo xoolaha waddanka ayna ka koobnayd saddex waaxood, waaxda barashada beeraha iyo cudurrada, qaybta cilmiga cuntada (Food science) iyo qaybta maamulka daaqa ee (range management), ilaa 1991diina aysan ahayn mid shaqaynaysa.
Shaaciye ayaa sheegay in waqtigaan ay adagtahay si lagu helo aqoonyahanno dhinacaan ka shaqeeya, kuwii horena ay noqdeen kuwo gaboobay iyo qaar kale oo waddankaba ka tegey.
MH/FM










