Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

BARASHADA CILMIGA BEERAHA IYO XOOLAHA OO KU YAR JAAMACADAHA MUQDISHO

Radio Ergo by Radio Ergo
March 28, 2013
in Cunto-Yaraanta
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankInkastoo muddo dheer dagaallo ay ka jireen Soomaaliya, waxaa dhinaca kale barbar socday horumar dadka Soomaalidu samaynayaan gaar ahaan dhinaca waxbarashada, iyadoo goobo waxbarasho oo gaar loo leeyahay ay ka hanaqaadeen dalka, kuwaasoo gaarsiisan tacliinta hoose ilaa tacliinta sare ee heer Jaamacadeed.

Waxaase jira dhibaato aan hoos loo eegin oo ay qabaan dadka la socda hannaanka tacliin iyo horumar ee Soomaaliya, waxbarashada sare ee Jaamacadaha ayaa  hadda ah awood si baaxad leh ugu koraysa dhammaan gobollada waddanka gaar ahaan Muqdisho, waxaase meesha ka maqan barashada qaar ka mid ah cilmiyada oo aasaasi u ah nolosha Soomaalida waxaana ka mid ah xoolaha iyo beeraha, iyadoo ardayda iyo jaamacadaha labaduba aysan tixgelin weyn siinin barashada cilmiyadan.

Pro. Maxamed Xasan Maxamuud Buube oo ahaa macallin cilmiga xoolaha ka dhiga machad lagu barto culuumta xoolaha ee Muqdisho ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin xoolo raacato, cilmiga xoolaha oo ah sidii horumarin loogu samayn lahaa habka loo dhaqdo iyo tayeynta caanaha, hilibka iyo macaluumaad kale oo ka badan uu waqtigaan meesha ka maqan yahay. Buuble ayaa sheegay inay  aad u yartahay inuu arko ardayda  jaamacadaha Muqdisho oo baranaysa macluumaadka la xiriira xoolaha iyo beerha Soomaaliya.

Cabdullaahi Isxaaq oo isna ah arday ka barta maamulka maarraynta jaamacadda Horseed ee Muqdisho ku taal ayaa Ergo u sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho ay jecel yihiin inay bartaan arrimaha xisaabaadka, maamulka iyo farsamada casriga ah ee tiknoolajiyada, kuwaanoo ay aaminsan yihiin inay waxbarasho dhow yihiin oo uu danihiisa ku gaarayo, dhalinyaradu waxay aminsan yihiin in cilmiga beeraha iyo xoolaha aysan markaan u arkayn dan ama aysan shaqo ku helayn, maaddaama ay aaminsan yihiin in hannaankii dawladeed iyo wasaraadihii ku hawlanaa arrimahaani aysan tamar badan lahayn, waxa hadda la bartana waa arrimo ay u arkaan inay shaqo ku helayaan.

Hibo Aadan oo iyana ah gabadh barata aqoonta xisaabaadka ayaa sheegtay in aan la dareensanayn dhinacaan, laakiin ay jiraan dad ka aaminsan in xoolaha iyo beeraha barashadoodu u jiidayso dhinaca xoolo dhaqatada aysanna taas hadda diyaar u ahayn, taasina tahay arrin kale oo aan dhiirri gelinayn barashada aqoontaan.

Pro.  Shaaciye oo isagu ka mid ahaa macallimiintii jaamacaddii beeraha ee Soomaaliya ayaa Ergo u sheegay in kulliyaddii beeraha ee waddanka la furay 1971kii, ayna sanadkasta soo saari jirtey ku dhowaad 40 aqoonyahan beerood oo wax ka qaban jiray arrimaha horumarinta beeraha iyo xoolaha waddanka  ayna ka koobnayd saddex waaxood, waaxda barashada beeraha iyo cudurrada, qaybta cilmiga cuntada (Food science) iyo qaybta maamulka daaqa ee (range management), ilaa 1991diina aysan ahayn mid shaqaynaysa.

Shaaciye ayaa sheegay in waqtigaan ay adagtahay si lagu helo aqoonyahanno dhinacaan ka shaqeeya, kuwii horena ay noqdeen kuwo gaboobay iyo qaar kale oo waddankaba ka tegey.

MH/FM

Previous Post

DADAALKA SHAQADA EE HAWEENKA XERYAHA QAXOOTIGA

Next Post

Barakacayaasha Gaalkacayo oo dib ugu noqona goobahay ka yimaadeen

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Barakacayaasha Gaalkacayo oo dib ugu noqona goobahay ka yimaadeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-SEP-2026

IDAACADDA 11-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-SEP-2026
September 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo