
Goobaha ay ciidamada AMISOM weli deggan yihiin ayaa waxaa kamid ah garoonkii ciyaaraha ee Muqdisho. Qaar kamid ah dadkan oo la hadlay idaacadda Ergo ayaa sheegay in AMISOM ay muddo dheer u gudbiyeen cabashadooda, balse aan laga hoos qaadin.
Dadkan ayaa tilmaamay inay ku jiraan guryo kiro ah amaba ay dulsaar ku yihiin ehelladooda, tanoo sababtay inay dib ugu laaban waayaan xaafadihii ay muddo dheer ku noolaayeen.
Dhismayaal ka agdhow Stadium-ka gaar ahaan kuwa ku xeen-daaban ayaa waxaa ka dhigtay fariisin ciidamada AMISOM, kaddib markii ay Alshabaab banneeyeen magaalada Muqdisho.
Mid ka mid ah dadkaas ayaa sheegay in dadka xalaaddan dhibbanaha u ah ay ahaayeen dadkii markii hore xaafadahaas degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhiigleey ka tirsan uga cararay dagaalladii ka socon jiray magaalada, hase ahaatee markii ay damceen inay dib ugu soo noqdaan guryahooda ay arkeen iney xero milatari u noqotay ciidamada AMISOM, codsigooda ahaa in loo banneeyo deegaankoodana la maqli waayay.
“Jeneraal Daa’uud, ilaa iyo Miisaanka Dhuxusha, Baar Ayaan, Cali Kamiin ilaa iyo Ifka xalan ayay ciidamada AMISOM deggan yihiin, dadkuna markii ay soo laabteen oo ay dega isdheheenna waa loo diiday, dowladduna waxba kama qaban.” Sidaa waxaa yiri mid ka mid ah dadka ay arrintani saameysay.
Waxay sheegayaan qaarkood inaysan awood u lahayn bixinta lacagaha ay isaga dhiibaan kirada guryaha ee hadda Muqdisho ka noqotay mid aad u qaali ah, balse hooyo kamid ahayd dadka meesha degganaan jiray ayaa sheegtay iney ku qasban yihiin.
“Aniga gurigeyga waxaa deggan AMISOM, anna waxaan ku jiraa guri kiro ah mana awoodo, marka qasab ayaa leygaga haystaa hoygeygii.” Ayay tiri hooyadaas.
AMISOM oo arrintan ka jawaabtay waxay sheegtay in sababta ay u deggan tahay xaafadaha rayidka ay tahay iney sugto ammaanka, markii ay sidaas ku guuleysatana ay banneyn doonto, dowladduna ay arrinkaasi ka warhayso, sida uu sheegay afhayeenka AMISOM Cali Aadan Xumad.
“Ciidamada AMISOM waxay guryaha ay deggan yihiin u degeen waa iney sugaan ammaanka, markii la gaaro waqtigeedana waa looga baxayaa guryahooda dadkaas cabanaya.” Ayuu yiri Mr. Xumad, afhayeenaka AMISOM.
Dadka doodda qaba waxaa ka mid ah bahda Sport-ka oo iyagu dhowr mar dalbaday in la banneeyo garoonka cayaaraha ee Stadium Muqdisho, taasoo aan wali u suurtagelin, waxaana xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed Cabdi-Qani Saciid Carab oo warbaahinta lahadlay uu sheegay inuu garoonku yahay goob rayid, ayna tahay iney ciidamadu ka baxaan, si howlihiisi loo soo celiyo.
Nuur Cali Faarax/MG/FM









