Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

QALALAASAHA SARRIFKA LACAGAHA EE MUQDISHO

Radio Ergo by Radio Ergo
March 11, 2013
in Cunto-Yaraanta
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWaxaa isa soo taraya cabashooyin la xiriira qalaalasaha ka taagan qiimaha sarrifka doollarka oo gaaray heerkii ugu hooseeyay, iyadoo qiimaha maciishadda ay sare ugu kacday qeybo badan oo ka tirsan dalka.

Soomaaliya waxaa si weyn looga isticmaalaa lacagta doollarka Mareykanka. Lacagata shilinka Soomaaliga oo suuqyada ka sii baxaya ayaana ka mid ah waxyaabaha dad badan ku qasbay inay ku tiirsanaadaan doollarka.

Magaalada Muqdisho ayaa kamid ah goobaha dalka sida weyn looga dareemay jahwareerkan, tanoo si adag u saamaysay dadka saboolka ah oo qiimaha cuntada ay sare ugu kacday.

Mid kamid ganacsatada ayaa idaacadda Ergo u sheegay “Walaal doollarkii hoos ayuu u dhacay, mana jiraan wax  isdhimis ah oo laga dareemay cuntada, tan ayaana ah mid qof walba uu ka walwalsanyahay” ayuu yiri.

Ninkan iyo dad badan oo lamid ah ayaa tan iyo toddobaadkii hore dabayaaqadiisii dhabannada wada haystay. Amuurtan ayaa waxay soo jiidatay dareenka fadhiyadii baarlamaanka iyo wasiirrada iyo hay`adaha kale ee dowladda ee maalmihii la soo dhaafay, waxaanayna arrintan isu beddeshay mid tixgelin goonni ah leh, marka loo eego ajandayaashii kale ee horyaalaly fadhiyadooda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo la hadlay idaacadda Ergo ayaa sheegay in dhibaatadan ay ku timid ganacsatada qaar oo billaabay inay lacagaha shilin Soomaaliga ah xareystaan, si ay faa`iido badan uga helaan hoos u dhaca sarrifka. Tarsan ayaa ka digay in dalka ay ka dillaaci karto macluul.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaguna baaq dheer u diray caalamka si ay u soo farageliyaan mashaakilkan, isagoo ugu baaqay inay dalka keenaan raashiin lagu jebiyo sicirka cuntada, maaddaama aysan dad badan awoodin inay wax iibsadaan, tanoo horseedi karto xaalad adag inay wajahaan dad badan.

Dadka Muqdisho waxay waayahii ugu dambeeyay dareemayeen neecaaw nabadeed oo aysan haysan muddo ku dhow 22 sano, balse nimco waliba nusqaanteeda hadda waxay dareemayaan dhibaatadan adage ee noloshooda halis gelin karta.

Yusuf Keynaan/MG/FM

Previous Post

CEEL-BIYOOD LA DAYACTIRAY

Next Post

CABASHO LOO JEEDIYAY AMISOM

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

CABASHO LOO JEEDIYAY AMISOM

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo