Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

MASHRUUCA SHAQO LACAG KU BEDDELASHADA EE FAO

Radio Ergo by Radio Ergo
March 14, 2013
in Cunto-Yaraanta
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankHay’adda cuntadda iyo beeraha Qaramadda Midoobay FAO ayaa wadda mashaariic door ah ka socda Puntland, dhinacyada xoolaha, kalluumaysiga iyo beeraha ayaana ugu waaweyn dhinacyaday wax ka qabato. FAO ayaa sheegtay inay dhowaan bilowday hannaan shaqo lacag ku bedelasho ah, ayna ku hawl gelinayso muruq maal Soomaaliyeed oo goobo kala duwan ku sugan, kuwaasoo hawshay qabtaan loogu beddelayo lacag. Haddaba waxtarka iyo muhiimadda mashruucaan ayaa Ergo waxaa uga warramay Faarax Isaaq Maxamed oo ka tirsan FAO, waxayna weydiimuhu  u dhaceen sidatan:

Waa maxay ujeedka laga leeyahay mashruucan?

Muhiimadda laga leeyahay  waxay tahay xaqiijinta isku tiirsanaanta bulshada Soomaaliyeed ayagoo ka faa ideysanaayo shaqooyinka dakhli abuuris ah, helitaanka cunnada oo fududaaneysa iyo dib u habaynta waddooyinka taasoo horuumar badan uu ku xiran yahay.

Bal nooga warbixi Barnaamijka shaqo lacag ku baddelasho?

Ugu horreyntii waxan jeclahay in an caddeeyo farqiga u dhaxeeya mucaawano lacageed iyo muruq-malnimada marka loo eego gargaar ahaan. Mucaawino lacageedka waa marka qofka lacag la siiyo si uu ogu gato waxyabaha uu ubaahanyahay. Muruq-maalnimaduna waa marka qofka mudda kooban shaqo la siiyo, shaqadaaso uu ku heli karo lacag tasoo sameyn wanaagsan ku yeelan karto noolasha qofka sida wado bixinta iyo kanaal sameynta.

Yaa faaíidaysanaya?

Mashruucani waxaa badanaa lala beegsadaa dadka ku nool webiga jiinkiisa iyo waliba kuwa ku nool tuulooyinka. Heyádda FAO waxay isku dayeeysaa in 30% dadka la soo qoraayo ay yihiin dumar ama qoysaska aya dumarka masúul kayihiin. Heyáddu waxa kaloo begsaneysaa barakacayaasha dib ugu soo laabtey deegannadoodii ka dib marki ay barakiciyeen colaad iyo abaaaro.

Immisa Mashruuc ayaa idiin qorsheysan ee aad fulinaysaan?

Muruqmaalnimadu waxa ay ka kooban tahay ilo dhaqaalo oo kala duwan tasoo laga danleeyahay xaqiijinta isku kalsoonida shaqsiyeed. Sidaa daraadeed waxaa jiro shaqooyin dhanka beeraha, xanaaneynta xooolaha iyo ganacsiga. Mashruucan waxaa kale oo lagala danleeyahay dib udhiska waddooyinkii waxyeeloobay amaba duugoobey, qodista waro biyoodyo iyo jeexista kanaalo. Waxa sidoo kale tixgalin gaar ah aan siinaa barakacayaashi dib ugu soo noqdey deegaannadoodii, waxaan xaqiijinaa in ay dagaan ayna iskaafiyaan.

Sidee beey gacan uga gaysanaysaa yareynta saboolnimada?

Hadafka oogu weyn ee heyáda FAO ayaa wuxuu yahay in dadka soomaaliya gees ka gees kunool ay ufudadeyso  helitaanka cunno. Sikastabo ha ahaatee mashruucan waxaa laga rajeynayaa in uu kor uqaado wax soosaarka heer qoyseedka, mashruuca waxa uuu dadka siiyaa fursado kale oo dhaqaale abuuris ah waxa sidoo kale uu kor uqaada ganacsiga xoolaha iyo wax soosaarka.

Dhinaca suuqyada Malaga yaabaa inay wax ka tarto?

Haa, dabcan dhaqaalaha heer deegaaneedka ah kor ayuu u qaadaya sababtoo ah lacagaha soo galayo awgood iyo isku celceliska dhaqaalaha deegaanka.

Ma noo sheegi kartaa caqabaddaha Barnaamijkan uu leeyahay?

Waxaan la soo kulanay guulo iyo carqaladooyin. Midkastana waxay aheyd mid ay heyádu wax kabarato. Waxa noo suurta gashay in an dib uhabeyno Wadooyinka deegaanada kale oo ay heyádu kafulisey mashruuca muruq maalnimada. Si kastabo ha ahaatee waxan wali nasoo waajaho dhibaatooyin sida nabbad galyo darro, colaado mararka qaar dhaco iyo guud ahan anigoo meela qaarkood aan gaari Karin

Mashaariicda noocaan ma sii wadi doontaan mise waa kuwa muddo gaaban ku eg?

Mashruucyadanoo kale waa qorshooyin mustaqbalka fog lagala dan leeyahay, waxaanu rajeyneynaa in anu bulshada muddo dheer wax u qabanno. Si arrinkan loo xaqiijiyo waxaanu sameynay guddi ka kooban deegaanka iyo guddiga mareynta mashruuca iyadoo meesha ay ka maqneeyn xoogagga ka taliya deegaanka. Arrinkan waxaa loo sameeyey si uu mashruuca u dabo dheeraado.

Sidee ayaad uga hortagaysaan inuusan musuqmaasuq dhicin?

Haya’dda FAO waxay ku dadaashaa in lacagaha iyo mucaawinooyinka kale ay dadkii loogu talagalay gaaraan, si sax ahna u gaaraan iyo waliba intii loogu tala galay ay helaan. Qodobbada ay heyáddu isticmaasho si ay uga hortagto maamul xumi iyo si ay u kordhiso kalsooni iyo caddaalad ayaa ah kuwa soo socda.

• Sameynta guddiyo sida guddiga kannaalada iyo kuwa wadda bixinta  si loo dhawro waddooyinkii ay heyádda dib u habeysay.
• Heyádda waxaa ay shaqaaleysay dad la xiriiro muruq maaalyaasha iyo dadkii mucaawinooyinka la gaarsiyay si loo ogaado in ay heleen wixii loogu tala galay iyo in kale, shaqada ay qabteen muruq-maal yaasha , lacagihii ay qaateen iyo waliba deegaanada ay ka qabteen hawsha.
• Ololo wacyo galin oo laga sameeyo idaacadaha dalka Soomaaliya, waxan u sheegnaa mashruucyada markaa socda, deegaannada ay ka socdaan, is diiwaan gelinta, lacagihii ay qaadan lahaayeen iyo muddada mashruuca uu soconaayo
• Xawaaladaha ayaa lacagaha loogu diraaa

Dhamaad

Previous Post

CABASHO LOO JEEDIYAY AMISOM

Next Post

NAAFADA KISMAAYO OO DHIBAATOOYIN HAYSTAAN

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
NAAFADA KISMAAYO OO DHIBAATOOYIN HAYSTAAN

NAAFADA KISMAAYO OO DHIBAATOOYIN HAYSTAAN

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo