
Waxaa iminka ay billowday warshaddaas inay soo saarto maalin kasta in ka badan 260 litir oo caano diyaarsan ah, loona suuq geeyo degmada Dhadhaab, waxaana iibsada ganacsatada dukaanleyda.
Faadumo Axmad Salaad oo ah guddomiyaha ururka SWG ayaa Ergo u sheegtay inay wax badan iska beddeleen siday ahaayeen markii hore ka urur ahaan, ayna DRC sameysay tallaabo wax ku ool ah oo ku dayasho mudan oo lagu tayo gelinayo haweenka.
Waxaa sidoo kale suuq ka helay dadka caanaha ka keena meelaha miyiga ee ka durugsan magaalada oo si fudud caanaha warshaddu uga qaadato. Dhool Maxamuud Dhuuboow oo ka mid ah dukaanleyda magaalada waxay sheegtay in caanahan ay yihiin kuwo dhadhan ahaan u fiican, ayna aad uq aataan waxay sheegtay inay ururka haweenka SWG ka rajaynayaan inay kordhiyaan wax soo saarka caanaha si baahida caanaha ee jirta ay warshaddu u daboosho.
Faadumo ayaa sheegtay inay lacagta ka soo baxda warshaddaan u sameeyeen sanduuq ay ku uruursadaan, waxayna tibaaxday inay ku sameyn doonaan waxyaabo kale oo hurumar u ah haweenka.
Maryan Xasan oo ka mid ah hooyooyinkaas ayaa u mahad naqday ha`yada DRC iyo dadaalkeeda waxayna sheegtay sida ay hay`addaasi jeceshahay inay gacan siiso haweenka iyo dadka taagta daran dhaqaale ahaan.
Farhan Lafoole/MH/FM









