
“Weligiiba Raadiyuhu wuxuu ahaan doonaa awood loo adeegsado beddelidda bulshada, iyadoo lala wadaagayo cilmiyo iyo dodo tayo leh,” ayay Irina Bokova, oo ah agaasimaha guud ee ururka QM u qaabilsan waxbarashadam sayniska iyo dhaqanka, ku tiri farriinteeda ku aaddaneyd maalinta Raadiyaha adduunka oo shalay ku beegneyd.
sanadkii 2011kii shirkii guud ee UNESCO ayaa 13kii February u aqoonsaday maalinta Raadiyaha adduunka, maalintii la aasaasay raadiyaha QM sanadkii 1946dii. Raadiyuhu waa mid ka mid ah quwadaha ugu waaweyn warbaahinta, wuxuuna awood u leeyahay inuu gaaro boqolkiiba 95 bulshada caalamka.
Ms. Bokova ayaa sheegtay in dunidu ay si weyn isku beddeshay tan iyo intii la helay raadiyaha qarnigii 19-aad. “Raadiyuhu waa mid la heli karo, waa mid rakhiis ah oo ay aad u fududahay isticmaalkiisa. Welina waa aalad farriin loogu gudbin karo meel walba iyo xilli walba-Xitaa iyadoo aan loo baahneyn koronto.” Ayay hadalkeeda sii raacisay.
Raadiyaha ayaa ku xoogeystay soo saariddii muuqaalka si loo xoojiyo quwadiisa iyo gaariddiisaba, Mr Bokova ayaa sheegtay in dhammaan dunida qiimaha warbaahintu ay hoos u dhacday isla markaana tirade xarumaha warbaahineed ay kordheen. Wariyayaasha muwaadiniinta ah iyo bulshada warbaahinta ayaa isticmaalaya raadiyayaasha online-ka ah si ay codkooda u baahiyaan kuwa in la maqlo ay adagtahay.
Waxay sheegtay in UNESCO (Riix) ay ka go`antahay sare u qaadidda iyo tayeynta raadiyaha, si loo kobciyo is fahamka dadka. Sidoo kale xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon ayaa farriintiisa ku sheegay in laga soo bilaabo mowjadda gaabna ilaa mowjadda FMka uu raadiyuhu isku xiro dadka meel walboo ay joogaan.
FM/MH









