Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barakacayaal gubtey oo gargaar la gaarsiiyey

Radio Ergo by Radio Ergo
February 15, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankHay`adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka ee ka howlgala gobolka Bari ayaa gaarsiiyey deeq ka kooban maacuun, gogol iyo teendhooyin 27 qoys oo ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool kaamka Boqolka Buush oo dhowaan ku guryo iyo hanti beeleen dab ka kacay kaamkaasi, dabkan ayaa sidoo kale sababay geerida gabar 6-sano jir ah, waxaana ciidamada booliiska ay soo qabteen nin lagu eedeeyey inuu dabka qabadsiiyey kaamka maseyr dartiis.

Cabdiwahaab Sheekh Ismaaciil, wuxuu ka mid yahay horjoogayaasha kaamka Bobolka Buush ee magaalada Boosaaso, wuxuuna uga warbixiyey raadiyo Ergo cidda gargaarkan soo gaarsiisey barakacayaasha gubtey “Sida maantaba aad arkeysid qalabka dhismaha ee lasoo qaarsiiyey barakacayaasha waxa kamid ah gogoshii, qalabkii guryaha lagu dhisi lahaa iyo waxyaabo badan oo aad duruuri u ah dadkan, waxaana ka qeyb qaatay hay`adaha gobolka ka shaqeeya, sida UNHCR, DRC, NRC, GRT, Tadamun, UNICEF, IOM  iyo OCHA, qof walba waxaa lasoo gaarsiiyey qalab ka kooban maacuuntii ay wax ku karsan lahaayeen, gogashii ay goglan lahaayeen, bustiyaashii ay huban lahaayeen, bicihii ay dugaasha ka dhigan lahaayeen iyo tiirar lagu dhisayo teendhooyinka.”

Deeqdani gargaarka ay gaarsiiyeen hay`adaha samafalka barakacayaasha ku nool kaamka Boqolka Buush oo dhowaan dab uu qabsaday ayaa kusoo aadeysa xilli maalmihii lasoo dhaafay barakacayaasha ay ka cabanayeen xaalado nolol xumo.
Victor Lahai waa madaxa hay`adda isku dubaridka gargaarka bini’aadannimada ee Qaramada Midoobey OCHA xafiiskeeda Boosaaso, wuxuuna u sheegay Ergo uga warbixiyay cedda iska kaashatay deeqdan “Hay`adaha gargaarka iyagoo si wada jir ah u ilaalinaya danta bulshada oo ay horkaceyso OCHA waxay gargaar gaarsiiyeen dadka gaaraya 27-qoys oo ku guryo beeley dab kakacay kaamka Boqolka Buush.”

Kaamka Boqolka Buush oo ku yaalla dhanka waqooyi galbeed ee magaalada Boosaaso ayaa ah kaam ay ka dhacaan dababka ugu badan ee khasaaraha naf iyo maalba uu kasoo gaaro barakacayaasha ku nool kaamkaasi oo gaaraya 15,000 oo qoys oo deggan guryo ka sameysan baco iyo cooshaan, gargaarkan samafalka ah ayaa lagu wadaa inuu wax weyn uu ka beddelo nolosha qoysaska gubtey, ma ahan markii ugu horreysay ee kaamka Boqolka-buush dab noocaan oo kale ah ka kaco, waxaana inta badan dabkaasi loo aaneeyaa inuu ku yimaado dayac ka yimaada dadka barakacayaasha ah.

Axmed Somali/MH/FM

Previous Post

QARAMADDA MIDOOBAY OO KA HADASHAY MUHIIMADDA IDAACADUHU LEEYIHIIN

Next Post

Gabdhaha qoysaska saboolka ah ee beledweyne oo helay waxbarasho

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

July 23, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo shaqo la’aan biday barakac iyo danyar

July 14, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 8, 2026
Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Gabdhaha qoysaska saboolka ah ee beledweyne oo helay waxbarasho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 27-JUL-2026

IDAACADDA 27-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 27-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-JUL-2026
July 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-JUL-2026
July 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUL-2026
July 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUL-2026
July 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUL-2026
July 23, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo