
Dugsigan oo lacag la’aan ah laguna magacaabo Hanoolaado Dalkeeyga ayaa dhawaan waxa laga furay magaalada Beledweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan, iyadoo loogu talagalay in ay dhigtaan ardayda da’doodu ay u dhaxayso 7 jir ilaa iyo 18 jir.
Mid kamid gabdhaha dhigta dusgigan oo lagu magacaabo Khadro Maxamuud Gacal oo ah 12 sanno jir ah ayaa u warrantay idaacadda Ergo waxayna tiri
“Dugsigaan waxaan kasoo aadaa xaafadda Kooshin waxaa I keenay walaalahay iga waaweeyn waxbarashada waan jeclahay , waxaan horay dugsi ku yaal tuulada Beergadiid ka bartay qoraalka afka Soomaaliga laakiin nasiibdarro dagaalladii ayaan uga soo guurnay dhamaan qoyskeenna oo Beledweyne ayaan soo dagnay. Dugsigaan waxaan ka bartaa afka Ingiriiska ,afka soomaaliga, xisaab, Seynis , Carabi iyo Tarbiyada Islaamka” ayay tiri
Baahida ay u qabaan waalidiinta aan carruurtooda u awoodin inay geeyaan dugsiyada sababo lacag la’aan awgeed waa mid aad u ballaaran , marka ay dhagahooda ku soo dhacdo fursado waxbarasho bilaash ah oo deegaankooda.
Nimco Cali Wehliye oo ah hooyo ay saddex gabdhood dugsigan ay u dhigtaan ayaa tiri “Anigoo gurigeyga joogo ayaa gabar aan saaxiibbo ahayn ii sheegtay dugsigan lacag la’aanta ah aad ayaan u farxay runtii waxaan isku balansannay inaan isuraacno dugsigan lacag la’aanta ah , waxaan tagnay dugsiga waxaana nagu qaabiley gabdho macallimiin ah oo diiwaangelinayey ardayda wayna naga qabteen codsigii aan u rabnay carruurteenna in dugsigan naloogu daro”.
Dugsigan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee gaar ah u gabdhaha, haddana lacag la`aan ah, waxaana lagu wadaa in sanad kasta ay ka faaíidaystaan boqollaal gabdhood oo ka soo jeeda qoysaska saboolka ah.
Abdullahi Salaad/MG









