Dhowaan ayay ahayd markii magaalada Buuhoodle uu yimid maamulaha xarunta cudurrada dhimirka lagu daaweeyo ee Muqdisho Dr Cabdiraxmaan Xabeeb, markii uu soo gaadhay magaalada Buuhoodle waxaa soo buux dhaafiyay boqollaal dad qaba xanuunnada dhimirka, dadkaas oo u badan kuwo ka yimid dhinaca miyiga, kuna xidhnaa geedaha hoostooda, qof kastaa wuxuu keenay ruuxii ka xanuunsanayay bal si daaweyn ah loogu helo.
Kadib kulan ay soo abuubuleen dadka wax garadku ayey kaga hadleen dhibaatada hadda haysata sida ay sheegeen waxgaradka deegaanka Buuhoodle in guri dhowaan loo dhisay dadka xanuunsan uu ka dumay geesta kale, dadkaas ayaa waxa kaloo haysata dhibaato dhanka huga ah, waxay reer Buuhoodle farriin u direen dadka Soomaaliyeed iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo caawiyo bukaannadaas,
Waxaa halkaas ka hadlay qaar ka mid ah bukaannada oo sheegay inay aad u dhibtay in hoygii ka dumo, Dr xabeeb ayaa isaguna goobta ka sheegay inaanay macquul ahayn in labo qol aanay qaadi karin bukaanno intaas le eg oo 80 gaadhaya, markaa waxaan codasanayaa in loo dhiso dhisme loogu deeqayo bukaannada dhimirka qaba ee magalada Buuhoodle, dadka deegaanka ayaa iyaguna ku deeqay dhul looga dhiso isbitaal lagu xannaaneeyo dadkaas.
Olol/MH/FM