Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolosha barakacayaasha Baydhabo

Radio Ergo by Radio Ergo
February 13, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankXeryaha barakacayaasha ee ku yaalla magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo uu dhowaan booqday weriyeheenna Yuusuf Keynaan, ayaa wuxuu indhihiisa ku soo arkay xaaladaha nolosha iyo dabaqadaha ay ku kala noolyihiin dadka barakacayaasha ah ee xeryahaas ku nool.

Xeryahan waxaa buux dhaafiyay haween, carruur,  dad da’ ah iyo curyaamiin ay taagtoodu aad u liidato, kuwaasoo aan heli Karin fursadaha ay qabsan karaan dadka kale. Dadkan waa dad isku ag nool  oo waxay dhisteen buushash laga sameeyay baco iyo maryo googo’an, ma haystaan teendhooyin ama baco ay ka geli karaan xilli roobaadka ama kulka.

Sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah dadkan ma helaan biyo nadiif ah iyo raashin, mana jirin gargaar ku filan oo ay heleen, waxaana marka aad albaabka ka istaagto xerada aad dareemaysaa in qaar kamid ah dadkan ay ku farxayaan imaatin kaaga, iyagoo kuu malaynaya inaad mucaawino u siddo.

Dadka aan la kulmay waxay ii sheegeen in sanado kala duwan ay xeryahan  soo galeen, iyagoo qaar ay soo barakiciyeen abaarihii waddanka ku dhuftay bartamihii sanadkii 2011kii ilaa 2012kii, qaar waxay ku soo barakaceen colaado ka jiray gobollada Bay iyo Bakool, halka qaar kalena ay noloshoodu ku tiirsanayd gargaar kaddib markii ay ka ba`een beerihii ay ka heli jireen cuntada.

Xerada, Dulmidiid, waxay ku taallaa duleedka waqooyi ee magaalada Baydhabo, waxaan kula kulmay oday faracadde wuxuuna ka warramay in dhibaato adag ay haysato, uuna ku nool yahay caawimaad uu ka helo dadka xerada la deggan ee awooda inay shaqaystaan.

Taliyaha AMISOM ee gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, Korneel Jerard Bigramaana ayaa ii sheegay in marmar ay u gurmadaan dadkan, balse wuxuu tilmaamay inay u baahan yihiin gargaar baaxad leh.

Maamulka iyo saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in hay`adaha samafalka ay ku casuumeen inay dadkan wax u qabtaan, balse ilaa hadda ay yartahay jawaabtii loo baahnaa.

Dadkan oo badankood ii sheegay inay ku soo barakaceen abaaraha iyo duruufaha dhinaca nolosha ah ayaa waxay u baahan yihiin in lagu caawiyo helitaan fursad ay noloshooda dib ugu aasaasi karaan, maaddaama ay badankood ahaayeen dad ka shaqeysta beeraha iyo xoolaha.

Yusuf Keynaan/MG/FM

Previous Post

Icrc: olole caafimaadka xoolaha waqooyiga soomaaliya

Next Post

Daryeel la’aan haysata bukaannada dhimirka buuhoodle

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Daryeel la’aan haysata bukaannada dhimirka buuhoodle

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo