Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

HABACSANAANTA GARSOORKA SOOMAALIYA

Radio Ergo by Radio Ergo
February 20, 2013
in Arrimaha Bulshada
0
HABACSANAANTA GARSOORKA SOOMAALIYA

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankIn la helo Garsoor ku salaysan caddaalad iyo madax banaani buuxda oo aan samayn  caddaalad daro iyo musuqmaasuq waa mid qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah uu xaq u leeyahay, una qabo baahi kaddib markii dalka uu ku jiray qalalaase burbur iyo colaado sokeeye muddo ku dh0w 22 sano.

Sida ay u burbureen laamihii kale ee kaabayaasha dhaqaalaha, ilihii dowladda iyo hoggaankii siyaasadeed ee dalka ayaa waxaa misana jiray burbur ku yimid waaxihii garsoor ee dalka. Hadda oo Soomaaliya ay u sii tallaabsanayso nabad iyo horumar, ayna dalka ka jiraan maamullo federaal ah ayaa waxaa laga soo kabanayaa  burburkii iyo dagaalladii sokeeye.

Inkastoo ay dad badan qabaan in waaxaha garsoorka ay yihiin kuwa curdan ah oo bulshada qaarkeed ku eedeeyaan inuusan ka madax bannaanayn maamullada iyo musuqmaasuq baahsan, haddana waxaa jiray isbadello muuqda.

Abukaate Cabdi Jaamac kilinbe wuxuu hore xilal kala duwan ka soo qabtay garsoorkii Soomaliya iyo kan Puntland, haddana waa qareen madax bannaan, isagoo u warramaya idaacadda Ergo ayaa wuxuu sheegay in waxa ka dhalan kara dhibaato saamaysa guud ahaan shacabka oo dhan, dowladdu waxay ku leedahay inay kor ka ilaaliso hab waafaqsan sharciga oo kaliya ee malaha inay ku samayso faragelin, taasi waxay noqonaysaa mid aan ku habboonayn cadaalad samaynta laga doonayo garsoorka.

Prof. Xuseen Abuukar Xuseen oo isna bare ka ah jaamacadda PSU ee Gaalkacyo ayaa tilmaamay inkastoo ay jiraan hay`ado garsoor, balse ay wali isku milanyihiin hay`adahaas garsoorka iyo maamullada goobaha ay ka howlgalaan.

Barafasoorka ayaa si kooban u sheegay in maanta garsoorka Soomaliya uusan ka madax bannaanayn maamullada jira. “Soomaaliya waxaa horay dumiyay waxay ahayd cadaalad darro iyo musuqmaasuq, waalina waa jirtaa waxayna u baahan tahay in cadaaladda la baadi goobo” .

Dhawr dhacdo oo goobo kala duwan oo Soomaaliya ah ay muujiyeen habacsanaanta ka jirta garsoorka Soomaaliya, loona baahan yahay in Soomaaliya ay yeelato garsoor madax bannaan oo caadil ah, kaasoo horseedi kara nabad iyo horumar.

Xeeldheerayaashan dhinaca sharciga ah ayaa ku dooday in tusaale ka mid ah habacsanaan garsoorka lagu arkay Gaalkacyo, kaddib markii maxakamadda Gaalkacyo ay xukun ku salaysan shareecada islaamka  ridday, waxaana markiiba soo fara geliyay  go’aankii maxakamadda madaxda ugu sarraysa Puntland. Tanoo keentay in maalintiiba la ruqseeyo guddoomiyihii maxakamadda Gaalkacyo.

Burhaan Maxamed Cabdi/MG/FM

Previous Post

Halista cunnooyinka lagu daro kiimikada

Next Post

Qaramada Midoobay oo ballarineysa hawlaheeda miino-baarista Soomaaliya

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Qaramada Midoobay oo ballarineysa hawlaheeda miino-baarista Soomaaliya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo