
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay kooxdan waxaa lagu waddaa in ay kulamo la yeeshaan saraakiisha dowlada Puntland, Gudiga Doorashooyin Ku Meel Gaarka ah ee Puntland iyo ururada bulshada.
Wafdigu wuxuu muujiyey sida bulshada caalamka ugu go’ an tahay la-fal gelidda hanaanka dimuqoradiyenta Puntland iyo sida ay u soo dhaweynayaan horumarka la gaaray ilaa hadda oo la furay xisbiyo siyaasadeed ayadoo ay is diiwaan geliyeen six urur siyaasadeed. Gudiga Haga Barnaamijka Dimoqoradiyenta wuxuu rajaynayaa sii balaarinta xuridda siyaasadeed usbuucayada soo socda ayadoo ururada siyaasadeed ay bilaabayaan xulashada musharaxiintooda una dhaqaaqayaan marxaladda ololaha iyo iyadoo ururada bulshada ee Puntland iyo warbaahintaba sare u qaadayaan daalada ku aadan wax-bariida daweynaha iyo wacyi gelinta cod-bixiyaha.
Inti ay socdeen kulamadan saraakiisha Puntland iyo kooxda Gudiga Haga Barnaamijka Dimuqoraadiyenta dhexmarayay ayaa waxay mar kale adkeeyeen in deeq-bixiyayaash ay si buuxda ugu howlan yihiin taagyeeridda dooroshooyinka ugu horeyey ee ebed ka dhaca Puntland taasoo ay dadka reer Puntland ku dooran doonaa hogaamiyayaashooda degaan iyo barlamaanba.
Kooxdu waxay ka hadashay sida ugu haboon ee ay Puntland ku horumarin karto hanaanka doorashooyinka iyadoo la xaqiininaayo lahaansh buuxda iyo is-wedi waqtiga fog ah.
Kooxda Gudiga ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin in ay sii caawiyaan Puntland si loo horumarin lahaa hanaan dimuqoraadi ah oo xaq ah kaasoo u noqon karo tusaale gobolada kale ee Jumhuuridda Federal Soomaaliya.
MG









