
koronto oo ka tirsan Radio ergo iyo Dalsan, lana shaqeeya warbaahinno kale ayaa markii la keenayay xafiiska xeer ilaalinta qaranka waxa wehliyay gabadhii uu wareystay oo sheegtay in la kufsaday, seygeeda iyo saddex ruux oo kale oo ku eedeysan inay xiriirinayeen dhibbanaha iyo wariyaha.
Waxa gudaha loo geliyay xafiiska xeerilaalinta iyadoo laga hor istaagay inay gudaha u galaan wariyayaashii goobta buux dhaafiyay, waxaana dadkii loo oggolaaday in ay gudaha u galaan ka mid ahaa qareennada u kala doodayay booliska iyo wariyaha.
hal saac iyo bar ah ka dib ayaa waxa gudaha ka socday su’aal weydiin ka imaaneysay xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda, kuna socotay wariye cabdicasiis iyo gabadha dhibbanaha ah.
Ma jirin fursad ay heleen qareennada intaa kadibna waxa loo ballamay waqti aan la shaacin oo maxkamadeynta ay bilaabaneyso.
Waxaa dadkii maxkamadda fadhiyay la yaab ku noqotay kadib markii hal mar ah ay gabadha sheegtay in la kufsaday oo dhabarka ku sidatay canug yar oo ay ku qeylineysay in la kufsaday oo xaqdarro lagu haysto iyadoo seygeedana uu isla sidaasi ku qeylinayay, waxaana goobta maxkamada laga dhex maqlayay qeylo iyo ooyin.
Wixii ka soo kordha kala soco raadiyaha iyo webka Ergo.









