Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

U HIILLINTA AFKA HOOYO

Radio Ergo by Radio Ergo
January 2, 2013
in Arrimaha Bulshada
0
U HIILLINTA AFKA HOOYO
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWaxaa marag ma doonto ah in ummad kasta jiritaankeedu uu ku xiran yahay siday u xannaanayso una hor mariso dhaqankeedda, afkeedda iyo waxyaalaha ka marag kacaya jiritaankeeda, taasoo haddii laga tago marag ma doonto ah inay ummaddaasi ka baxayso taariikhda kuna biirayso bogagga dad laga sheekeeyo inay waayo hore jiri jireen, mark ugu dambaysana noqda kuwo awoow ka sheekee ah.

17 ilaa 22kii December 2012 waxaa magaalada Jabuuti ee caasimadda Jabuuti lagu qabtay shir si hagaagsan loo soo agaasimay, runtiina dawladda iyo dadka reer Jabuuti xil dheeraad ah ay iska saareen, ayna ku kulansiiyeen, madax kala duwan, hoggaamiyayaal tacliin, ururro bulsho, aqoon yahanno iyo xubno ka socday dadka wax qora iyo kuwa hal abuurka leh ee Soomaaliyeed, kana kala yimid qaybaha Soomaaliya, waddamada deriska iyo dacaladda kale ee aduunka.
Madaxda dawladaha waxay ahaayeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele oo isaga marti loo ahaa, madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, sidoo kale waxaa wafdiyo balaarani ka yimaadeen dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo u hogaaminayey wasiirka xiriirka iyo dhaqanka Maxamed Guure Ciise, sidoo kale waxaa jiray iyana wefdi ka yimid maamul goboleedka Puntland uuna hogaaminayey madaxa xarunta dhaqanka iyo suugaanta Axmed Sheekh Jaamac.

Iyagoona dhamaantood noqday hal cod, kaasoo ka turjumaya in afkani yahay xiriirka iyo dhaxalka umaddu leedahay, hoggaamiyaashuna balan qaadeen inay qaadanayaan doorkooda ku Aadan sidii loo sal dhigi lahaa, looguna samayn lahaa xarun noqota goobta laga horumariyo.
Ka sokow madax waxaa marna aan la ilaawi karin oo iyana goobta yimid inta tirada yar ee ka noolayd gudiiggii 21ka xubnood ahaa ee loo xilsaray hirgelinta farta Soomaaliga, kuwaasoo kala ah; Shariif Salax Maxamed Cali  oo ahaa gudoomiyihii guddigaan Xuseen Sheekh Axmed Kadare, Sheekh Jaamac Cumar Ciise, Cabdilaahi Xasan Insaaniya, Dahabo Faarax,Cumar Awnuux.

Shariif Saalax oo aha guddoomiyaha guddigaan kana hadlayey shirkaas ayaa sheegay in saddex qodob jireen oo miiska saarnaa xilligii la qorayey farta, tan koowaad oo ahayd, in afti dadweyne la qaado farta la qaadanayo, laba  in golaha baarlamaanka la hor geeyo, tan saddexaad oo ahayd in farta la doorto xoog loo adeegsado meel marinteeda, iyadoo saddexaas qodob jiraan ayaana la magacaabay gudigaan aan madaxda u ahay ayuu yiri Sharif Saalax, iyadoo markaasna waxbadan is dhex yaaleen sida, in af carabi lagu qoro far Soomaaliga iyo dodo kale oo badan.

Guusha ugu weyne ee la gaarayse waxay ahayd in hal go’aan dawladdii kacaanku qaadatay ayna ku meel marisay awood, kadibna la bilaabay dadaal la mahadiyey oo dadka lagu gaarsinayo wax akhris iyo qorista, madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka  hadlayey shirkaas ayaa sheegay “Wuxuu ololihii wax akhriska afsoomaaligu kor u qaaday 55% heerka qoris iyo akhris ee dadka Soomaaliyeed isagoona markii hore dadka wax qora waxna akhriyaa ee Soomaaliyeed ahaayeen 2%”
Shirkaan ayaa qodobbadii ka soo baxay waxay ahaayeen siduu akhriyey gudoomiyihii guddiga qaban qabaada shirka 40 guurada farta  Soomaaliga ee Jabuuti mudane Cabdala Xaashi Qorax sida tan.

In la aasaaso akademiye uu leeyahay afka Soomaaligu, kadib markii ay aqoonyahanadu shirka ka cadeeyeen in afka hooyo yahay furaha aqoonta iyo horumarka, markii ay arkeen dhibaatada haysata afka Soomaaliga tan iyo intii burburka, marka la fiiriyey baaqii naadiga qalinlayda Soomaaliyeed ee Somalipen, kuna saabsanaa wax ka qabashada afsoomaaliga, waxayna isla garteen, dhisida xarunta ADA,  ayna noqoto hay’ad gobol, ayna wadaagaan dhamaan dawladaha dalalkooda looga hadlo Afka-soomaaliga,

In dabayaaqada bisha June ee 2013 shir dambe dib la isugu soo noqdo Jabuuti, iyadoona loo xil saaray mudadaas ururinta dhamaan xogaha loo byaahay guddi kala ah, Dr. Cabdirashiid Maxamed Ismaaciil Gudoomiye, Maxamed Daahir Afrax ku xigeen, Dr. Cabdinaasir Axmed Ibrahim Xoog hayn, Mudane Aadan Xasan Aadan, Prof. Maxamed Xaaji Raabi, Dr. Hibo Mumin, Dr. Mustafe Cali Fayruus, Prof. Siciid Saalax Axmed, Prof. Cabdal Cumar Mansuur.

Shirkaan iyo xilliga uu ku soo beegmay ayaa ah waqti dadka warbaahinta ka shaqeeya ama wax qoraa niyadda ku hayaan dhibaatada dhinaca qoraal ee haysata, iyagoon haysan goob ay ula noqdaan wixii talo iyo tifaftirid ka siin lahaa adeegsiga luqo si loo barax tiro dhamaan nuxurka iyo fahamka Af soomaaliga, waxaa kaloo jirta in dhowaan machadka calamiga ah ee (African Language Acedemy) uu ka mid dhigay Af soomaaliga 11 af oo laga xushay dhamaan Afrika, noqdayna afafka ka tallaaba xuduudaha, isagoona ururka Midowga Afrika qaybtiisa horumarinta afafku ballan-qaadeen inay kobcin ku samayn doonaan.

Mohamed Hassan

Previous Post

DAYACTIRKA WADDOOYINKA KISMAAYO

Next Post

DHIBAATOOYINKII HORTAAGNAA GUDDIGII QORAY FARTA SOOMAALIGA

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
DHIBAATOOYINKII HORTAAGNAA GUDDIGII QORAY FARTA SOOMAALIGA

DHIBAATOOYINKII HORTAAGNAA GUDDIGII QORAY FARTA SOOMAALIGA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo