Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

DHIBAATOOYINKII HORTAAGNAA GUDDIGII QORAY FARTA SOOMAALIGA

Radio Ergo by Radio Ergo
January 3, 2013
in Arrimaha Bulshada
0
DHIBAATOOYINKII HORTAAGNAA GUDDIGII QORAY FARTA SOOMAALIGA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankCaqabado badan ayaa hor yaallay hirgelinta af-Soomaaliga, sida ay sheegayaan guddigii loo xil saaray qorista far-Soomaaliga sanadkii 1972dii.

Guddoomiyaha guddigaasi loo xil saaray hir gelintii far-Soomaaliga, Shariif Saalax Maxamed oo ka hadlayey kulan horumarinta farta looga hadlayey oo ka dhacay waddanka Jabuuti ayaa sheegay in waxyaabihii soo bislaanayey 19kii sano ee ka horreeyey 1972dii ay ahaayeen arrimo wax badan lagu muransanaa, iyadoo la soo bandhigay 43 fikradood oo qoraal ahaan kala geddisanaa.

Go’aannadii golihii kacaanka uu qaatay ayaa waxaa ka mid ahaa in xoog lagu hir geliyo nooca ay u arkeen markaas inay haboon tahay, marka ugu horraysana lagu bilaabo hay`adaha dowladda sida ciidamada qalabka sida, waxayna u qaateen si fudud, sidoo kale khubarradii afka qoraysay ayaa soo jeedisay in la hir geliyo ololihii horumarinta reer miyiga ee lagu barayey dadka qorista far-Soomaaliga.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay jireen caqabado kale oo ka imaanayey qolyo u ololeynayey in xarfaha carabiga lagu qoro far-Soomaaliga, ayna ugu horreeyeen culimadii diinta halka kuwo kalena u doodayeen in lagu qoro fartii la oran jirey Cismaaniyada, taasoo golihii sare ee kacaanku go`aansaday inay qaataan farta Laatiinka iyadana laga dhigo mid la hir geliyo, sababaha loo doortay ayaana ahaa duruufaha dhaqaale ee waddanka oo liidatay, iyadoo ay sahlanayd in la helo qalabka dowladdu ku shaqayso oo ahaa kuwii ka haray gumaystayaashii isticmalayey farta Taliyaaniga iyo Ingiriiska, dowladduna aysan u hayn kharash ay ku beddesho.

Shariif Saalax oo ah guddoomiyaha guddigaan kana hadlayey shirkaas ayaa sheegay in saddex qodob jireen oo miiska saarnaa xilligii la qorayey farta, tan koowaad oo ahayd, in afti dadweyne la qaado farta la qaadanayo, laba in golaha baarlamaanka la hor geeyo, tan saddexaad oo ahayd in farta la doorto xoog loo adeegsado meel marinteeda, iyadoo saddexaas qodob jiraan ayaana la magacaabay gudigaan aan madaxda u ahay ayuu yiri Sharif Saalax, iyadoo markaasna waxbadan is dhex yaaleen sida, in af carabi lagu qoro far Soomaaliga iyo dodo kale oo badan.

Guusha ugu weyne ee la gaarayse waxay ahayd in hal go’aan dawladdii kacaanku qaadatay ayna ku meel marisay awood, kadibna la bilaabay dadaal la mahadiyey oo dadka lagu gaarsinayo wax akhris iyo qorista, madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey shirkaas ayaa sheegay “Wuxuu ololihii wax akhriska afsoomaaligu kor u qaaday 55% heerka qoris iyo akhris ee dadka Soomaaliyeed isagoona markii hore dadka wax qora waxna akhriyaa ee Soomaaliyeed ahaayeen 2%”

MH/FM/AM

Previous Post

U HIILLINTA AFKA HOOYO

Next Post

SHAQOOYINKA HAWEENKA BARAKACAYAASHA AH EE MUQDISHO

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
SHAQOOYINKA HAWEENKA BARAKACAYAASHA AH EE MUQDISHO

SHAQOOYINKA HAWEENKA BARAKACAYAASHA AH EE MUQDISHO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo