
Faadumo hadda waxay ku nooshahay kaam barakac oo lagu magacaabo Rabbi-tuuk oo ku yaalla degmada Waardhiigleey gaar ahaan xaafadda Siinaay, waxay hadda billowday inay xerada bannaanka kaga baxdo, waxayna soo qabataa shaqooyin yar yar oo ay ku kabto baahiyaheeda nolosha.
Shaqooyinka ay hooyo Faadumo qabato waxaa ka mid ah dhaqidda dharka, hagaajinta guryaha iyo nadiifintiisa waxayna maalintii ugu badnaan soo heshaa 40,000 oo shilin Soomaali ah una dhiganta 2 doollarka Mareykanka ah.
Waxaan toosaa xilli hore oo subax ah, waxaan baadi goobaa shaqooyinka maalin laha ah, waxaana helaa lacag aan si buuxda nolosheyda ugu filnayn,”sidaasi waxaa tiri Faadumo.
Faadumo hadda waxay rajo wanaagsan ka qabtaa inay maareyso nolosha reerkeeda oo ay shaqadeeda horumariso, waxayna shaqada ay billowday wax ka beddeshay nolosheeda.
Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle/FM/AM










