
“Tan iyo intii halkaan naloo soo raray waxaa iska jiray ciriiri dhanka biyaha ah, sababtoo ah ilaa lix boqol oo qoys oo wadaagaya hal ceel waa wax dhib badan oo kuma filna, sidaas oo ay tahay ayuuba ceelkii go`ay noomana dhowa meel kale oo aan biyo ka helno,” ayuu yiri horjoogaha kaamkaas Maxamed Cumar Muudeey.
Cosobo Maxamed Guuleed oo ka tirsan dadka ku nool kaamka Siligga ayaa sheegtay in haatan ay iibsadaan biyaha warsahdeysan ayna u doontaan meelo fog-fog, mararka qaarna aysan awoodin kharash ay ku iibsadaan.
“Maalintii ilaa saddex jirgaan ayaan isticmaalnaa oo kuwa cabidda ah qiimahooduna yahay halkii jirgaan ShS 18,000, kuwa kale ee aan dhar dhaqidda iyo nadiifinta u isticmaalnana jirgaankii waa ShS 13,000, taasna aad aan dhib ugu qabnaa waayo ma awoodi karno.”
“Dowladda hoose iyo hay`adaha gargaarkaba ma aragno wax muuqda oo ay inoo qabteen, baraago ayaa ka sameysnaa gudaha xerada haddana way qallalan yihiin, xitaa raashiin nagu filan ma helno., marka aad baan arrintaas uga cabaneynaa.” Ayuu mar kale yiri horjoogaha kaamka Siligga, Maxamed Muudeey.
Qaasim Maxamed Cabdi oo ah xoghayaha dowladda hoose ee magaalada Garowe ayaa sheegay inuu jiro qorshe ceelal loogu sameynayo barakacayaasha kaamka Siligga, waxaan ugu baaqayaa barakacayaashaas inta ka horreysa inay iyagu iska dabbaraan dhanka biyaha
Dowladda hoose ee magaalada Garowe ayaa bartamihii sanadkii hore ka rartay barakacayaal dhex degganaa magaalada, waxayna dejistay duleedka magaalada si bilicda loo ilaaliyo, tan iyo markaas waxay barakacayaashu ka cabanayaan in la illaabay oo aysan helin gargaar ku filan.
Xaliimo-sacdiyo Cabdullaahi Cali/FM/AM










