Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barakacayaasha Garowe oo ka cabanaya biyo l`aan

Radio Ergo by Radio Ergo
January 7, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Barakacayaasha Garowe oo ka cabanaya biyo l`aan
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBarakacayaasha ku nool xerada barakacayaasha Siligga ee magalada Garoowe ayaa waxaa la soo deristay biyo la`aan, ka dib markii halkii ceel ee ay wadaagi jireen uu hallaabay, sida uu sheegayo horjoogaha kaamkaasi.

“Tan iyo intii halkaan naloo soo raray waxaa iska jiray ciriiri dhanka biyaha ah, sababtoo ah ilaa lix boqol oo qoys oo wadaagaya hal ceel waa wax dhib  badan oo kuma filna, sidaas oo ay tahay ayuuba ceelkii go`ay noomana dhowa meel kale oo aan biyo ka helno,” ayuu yiri horjoogaha kaamkaas Maxamed Cumar Muudeey.

Cosobo Maxamed Guuleed oo ka tirsan dadka ku nool kaamka Siligga ayaa sheegtay in haatan ay iibsadaan biyaha warsahdeysan ayna u doontaan meelo fog-fog, mararka qaarna aysan awoodin kharash ay ku iibsadaan.

“Maalintii ilaa saddex jirgaan ayaan isticmaalnaa oo kuwa cabidda ah qiimahooduna yahay  halkii jirgaan ShS 18,000, kuwa kale ee aan dhar dhaqidda iyo nadiifinta u isticmaalnana jirgaankii waa ShS 13,000, taasna aad aan dhib ugu qabnaa waayo ma awoodi karno.”

“Dowladda hoose iyo hay`adaha gargaarkaba ma aragno wax muuqda oo ay inoo qabteen, baraago ayaa ka sameysnaa gudaha xerada haddana way qallalan yihiin, xitaa raashiin nagu filan ma helno., marka aad baan arrintaas uga cabaneynaa.” Ayuu mar kale yiri horjoogaha kaamka Siligga, Maxamed Muudeey.

Qaasim Maxamed Cabdi oo ah xoghayaha dowladda hoose ee magaalada Garowe ayaa sheegay inuu jiro  qorshe ceelal loogu sameynayo barakacayaasha kaamka Siligga, waxaan ugu baaqayaa barakacayaashaas inta ka horreysa inay iyagu iska dabbaraan dhanka biyaha

Dowladda hoose ee magaalada Garowe ayaa bartamihii sanadkii hore ka rartay barakacayaal dhex degganaa magaalada, waxayna dejistay duleedka magaalada si bilicda loo ilaaliyo, tan iyo markaas waxay barakacayaashu ka cabanayaan in la illaabay oo aysan helin gargaar ku filan.

Xaliimo-sacdiyo Cabdullaahi Cali/FM/AM

Previous Post

SHAQOOYINKA HAWEENKA BARAKACAYAASHA AH EE MUQDISHO

Next Post

Hay`adaha samafalka oo loogu baaqay inay gargaar gaarsiiyaan barakacayaasha Gedo

Related Posts

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 23, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Next Post
HRW : Dawladda Kenya waa ineyan qasab ku celinin qaxootiga

Hay`adaha samafalka oo loogu baaqay inay gargaar gaarsiiyaan barakacayaasha Gedo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 24-JUN-2026

IDAACADDA 24-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 24-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUN-2026
June 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2026
June 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2026
June 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2026
June 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2026
June 20, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo