
Madaxa arrimaha bulshada maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo Cabdinaasir Seeraar Maax oo la hadlay Radio Ergo ayaa sheegay in dayactirkan ay ku doonayaan inay dib ugu soo celiyaan bilicdii wadooyinka ee magaalada, islamar ahaantaasna ay u fududeeyaan gaadiidka si ay u istcmaalaan wadada iyo ganacsiga. “Dayactirka aan wadooyinka Kismaayo ka bilownay waxay qeyb ka yihiin adeegyada horumarineed ee Kismaayo” ayuu yiri Seeraar.
Qaar ka mid ah darwallada baabuurta magaalada Kismaayo ayaa soo dhaweeyay tillaabadaas maamulka, iyagoo sheegay in howlahaan dayactirka ah ee lagu sameenayo waddooyinka ay wax weyn ka baddeli doonaan isticmaalka isu socodka iyo horuumarka degmada Kismaayo guud ahaan.
Khadar Maxamud Xareed/MG










