Khuburo dhinaca beeraha ah oo ka socotay hay’adda TIKA oo laga leeyahay waddanka Turkiga ayaa waxay magaalada Jowhar kula shireen maamulka gobolka Shabeelaha dhexe. Kulankan ayaa looga wada hadlay sidii bulshada gobolkaas looga caawin lahaa dhanka beeraha, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socotay labada dhinac.
“Wafdiga waxay ku soo wareegeen bereraha ku yaalla gobolka waxayna soo arkeen sida beeraleyda gobolku ay ugu heellan yihiin qodashada beeraha” sidaana waxaa yiri Daa’uud Xaaji Cirro oo ah afhayeenka maamulka gobolka Shabeelaha dhexe. Daa’uud ayaa intaasi ku daray in mas’uuliyiinta TIKA ay ka ballan qaadeen in beeraleyda gobolka ay ka caawin doonaan horumarinta xagga beeraha, iyagoona sheegay in ay u keeni doonaan makiinadaha dhinaca beeraha lagu qoto iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah beerashada.
Guddoomiyha Shabeellada Dhexe mudane Cabdi Jiinoow ayaa uga mahadceliyay wafdiga kaalamadaas ay u fidinayaan beeralleyda. Sidoo kalena wuxuu wafdigu ballanqaaday in markii ay dib ugu laabtaan dalkooda ay arrintaan hirgelindoonaan.
MG