Beeraleydan oo aan gaarin marxaladda goosashada beerta ayaa waxay sheegayaan inay ku sugan yihiin xaalad adag, isla markaana sahaydii gaarsiin lahayd gooashada tacabkooda ay ka idlaatay.
Qaar ka mid ah beeraha ku yaalla dhinaca koofureed ee magaalada Beledweyne ayaa ka mid ah kuwa sida aadka ah ay u cunayaan shimbiruhu. Maxamed Cismaan Sheekh Cabdi, oo ka mid ah beeralleydaasi ayaa isagoo ku sugan beertiisa oo uu ka dhowrayay shimbiraha u sheegay raadiyo Ergo “Beerta gees dhan ayay ka cuneen shimbiraha, xilligii abaarta ayaan abuurnay beeraha, haatan oo roobku da`ay barwaaqana la helay ayaa waxaan qaati ka taagannahay shimbirahan, rajana kama qabno dalagyada sanadkan.”
Dalagyada ay beeraleydan beerteen ayaa waxaa u badan haruurka, iyagoo la arkayay waayadan dambe in suuqyada magaalada Beledweyne ay u iibgeynayeen bal qoyan oo ay mirihii ku yaallaan, taasoo sababtay shimbiraha ka cunaya dalagyadooda.
“Aniga duruuf ayaa igu kalliftay inaan balka qoyan suuqa u iib geeyo, sababtoo ah wax la`aan ayaa i heysa oo qoysku wuxuu cuno ma heysto, beerihii aan rajada ka qabnayna shimbiro ayaa naga cunay.” Sidaas waxaa yiri Xuseen Cabdullaahi Sheekh, oo ka mid ah dhibbanayaasha shimbiruhu ay ka cuneen dalagyada.
Beeraleydan ayaa sheegay inaysan hay`adaha samafalka ee deeganka ka helin wax caawinaad ah, iyagoo haatan dalbanaya in laga caawiyo sidii ay shirbiraha uga celin lahaayeen dalagyada beerahooda.
Cabdullaahi Salaad/FM/AM