Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

QM OO KU BAAQDAY HORUMARINTA HAWEENKA MIYIGA KU NOOL

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
October 16, 2012
in Arrimaha Bulshada
0
QM OO KU BAAQDAY HORUMARINTA HAWEENKA MIYIGA KU NOOL
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankXoghayaha guud ee QM, ayaa ku boorriyay cirrib tirka takoorka lagu hayo haweenka miyiga ku nool, si ay u xaqiiqsadaan inay qeyb weyn ka qaadan karaan dhammeynta gaajada iyo saboolnimada guud ahaan dunida.
“Haddii la inkiro xuquuqda iyo fursadaha haweenka,  waxaan ka hor istaagnay  carruurtooda iyo bulshadoodaba inay mustaqbal wanaagsan tiigsadaan,” ayuu yiri Ban Ki-moon, isagoo sheegay in haweenka miyiga ku nool qaarkood aysan iyagu lahayn dhul beereedka ay tabcadaan, sidoo kalana aysan ka macaashin dakhli ay kaga baxaan sabool nimada.

Farriintiisa ayuu Mr Ban Ki-moon ku sheegay in haweenka miyiga ku nool ay sidoo kale nool yihiin iyagoo aan heysan damaanad qaad dhanka nafaqada ah, adeegyada caafimaadka, biyo nadiif ah iyo fayadhowrka, iyagoo howlaha culus ee ay hayaan isla markaana aan wax lacag ah lagu siinnin ay ka hor istaagto inay fursad u helaan shaqooyinka.

“Iyadoo howlaha ay hayaan ay wanaajineyso xaaladda haqab beelka cuntada iyo nafaqada , haddana haweenka miyiga ku nool waxay heystaan fursado badan oo ay shaqooyin ku heli karaan, si ay carruurtooda u helaan waxbarasho iyo adeeguo caafimaad,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xoghayha guud ee QM.

Wuxuu sheegay in bishii  September, ay QM furtay barnaamij shan sano soconaya oo lagu horumarinayo dhaqaalaha iyo xoojinta haweenka miyiga ku nool.

Barnaamijkan ayaa waxaa si wada jir ah u fulinaya Hay`adda QM ee xoojinta haweenka, Ururka cuntada iyo beeraha u qaabilsan QM ee FAO, Hay`adda caalamiga ah ee horumarinta beeraha (IFAD), iyo Barnaamijka cunnada aduunka  (WFP). Waxaana marka hore laga hir gelin doonaa dalalka Ethiopia, Guatemala, Kyrgyzstan, Liberia, Nepal, Niger iyo Rwanda.

“Dunidu si weyn ayay u aqoonsan tahay doorka muhiimka ah ee ay haweenku ku leeyihiin dhisidda nabadda, cadaaladda iyo dimuqraadiyadda,”  ayuu yiri Mr Ban. Isagoo sheegay in sanadka 2015-ka oo ah waqtiga kama dambeysta ah ee hadafyada horumarinta Millennium-ka, haatan la joogo xiligii maal gashi lagu sameyn lahaa haweenka miyiga ku nool, lana difaaco xuquuqdooda.
Ban Ki-moon ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dowladaha dunida iyo ururrada bulshada inay taageeraan haweenka miyiga ku nool, ay dhageystaan codadkooda iyo ra`yigooda ayna ka jawaab celiyaan dalabkooda iyo baahiyaha ay qabaan.

Previous Post

DAADAD WAXYEELO KA GAYSTAY TUULADA CEEL HUUR

Next Post

ROOBAB WAXYEELLO GAARSIIYAY BANDAR-BEYLA

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
WEBIGA SHABEELLE OO FATAHAY

ROOBAB WAXYEELLO GAARSIIYAY BANDAR-BEYLA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo